{"id":546896,"date":"2025-10-21T10:54:16","date_gmt":"2025-10-21T07:54:16","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=546896"},"modified":"2025-10-21T10:54:16","modified_gmt":"2025-10-21T07:54:16","slug":"wasaaradda-ganacsiga-oo-bogaadisay-tallaabada-uu-golaha-shacabka-ku-ansixiyay-heshiiska-aagga-ganacsiga-xorta-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-ganacsiga-oo-bogaadisay-tallaabada-uu-golaha-shacabka-ku-ansixiyay-heshiiska-aagga-ganacsiga-xorta-ah\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).<\/p>\n<p>Wasiirka oo ka hadlayay kulankii ay Golaha Shacabku ku ansixiyeen heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go\u2019an tahay in ay door muuqda ka qaadato iskaashiga dhaqaale ee waddamada Afrika.<\/p>\n<p>Wasiir Maxamuud Abukaate ayaa sheegay in heshiiskan uu si weyn uga faa\u2019iideyn doono ganacsatada Soomaaliyeed, korna u qaadi doono fursadaha shaqo, maalgashi iyo kobaca waxsoosaarka gudaha.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay tahay fursad ay Soomaaliya ku xoojin karto xiriirka ay la leedahay suuqyada Afrika, taas oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Wasiir Abukaate wuxuu uga mahadceliyey dhammaan hay\u2019adaha dowladda, gaar ahaan Golaha Shacabka sida ay uga go\u2019an tahay hirgelinta siyaasadaha kor u qaadaya dhaqaalaha dalka iyo midnimada Qaaradda Afrika.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA). Wasiirka oo ka hadlayay kulankii ay Golaha Shacabku ku ansixiyeen heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":546897,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-546896","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546896","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=546896"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546896\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":546898,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546896\/revisions\/546898"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/546897"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=546896"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=546896"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=546896"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}