{"id":546705,"date":"2025-10-18T21:11:45","date_gmt":"2025-10-18T18:11:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=546705"},"modified":"2025-10-18T21:11:45","modified_gmt":"2025-10-18T18:11:45","slug":"hantidhowraha-guud-ee-qaranka-oo-tababar-muhiim-ah-soo-xiray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hantidhowraha-guud-ee-qaranka-oo-tababar-muhiim-ah-soo-xiray\/","title":{"rendered":"Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo tababar Muhiim ah soo xiray"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA)):- Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta soo xiray tababar muhiim ahaa oo lagu xoojinayey xirfadda iyo mihnadda shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo si gaar ah muddo saddex maalin ah oo xiriir ah loo siinayey ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Baarayaasha \u201cWaaxda Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga\u201d ee Xafiiska.<\/p>\n<p>Ujeeddada tababarkan ayaa ah horumarinta iyo casriyeynta fahamka iyo aqoonta hirgelinta habraacyada baarista iyo korjoogteynta hay\u2019adaha dowladda, taas oo kor-u-qaadeysa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo horumariyo dowladnimada.<\/p>\n<p>Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa u sheegay shaqaalaha tababarka qaatay in ay isu diyaariyaan in aqoonta iyo cilmiga ay heleen ay ugu adeegaan dhowrista hantida iyo khayraadka ummadda, iyaga oo ku ilaalinaya hay\u2019adaha dowladda in ay u hoggaansamaan sharciga.<\/p>\n<p>Intii lagu guda jiray tababarka, waxa ay micallimiintii bixineysay iyo latababarayaashabu isla falanqeeyeen qibradihii ay Baarayaasha U Hoggaansanaanta Sharcigu horay uga heleen baarisyadii ay sameeyeen, si xirfadda la siinayo ay ugu qalabeyso xeelado iyo farsamooyin ka caawiya baarisyada ay hadda u diyaargaroobayaan.<\/p>\n<p>Xafiiska Hantidhiwrka Guud ee JFS waxaa uu had iyo jeer ku dedaalaa in uu shaqaalihiisa ku qalabeeyo dhammaan xirfadaha, aqoonta iyo fahamka la xiriira baarisyada maaliyadeed, u hogggaansanaanta sharciga iyo kuwa gaarka, fatashka ama teknoloojiyadda.<br \/>\n<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-546706\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6426-300x225.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6426-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6426-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6426-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6426-860x645.jpeg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6426.jpeg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-546707 alignleft\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6428-300x225.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"225\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6428-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/IMG_6428.jpeg 600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/>Ok<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA)):- Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta soo xiray tababar muhiim ahaa oo lagu xoojinayey xirfadda iyo mihnadda shaqaalaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo si gaar ah muddo saddex maalin ah oo xiriir ah loo siinayey ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Baarayaasha \u201cWaaxda Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga\u201d ee Xafiiska. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":546706,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-546705","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546705","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=546705"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546705\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":546708,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546705\/revisions\/546708"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/546706"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=546705"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=546705"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=546705"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}