{"id":546531,"date":"2025-10-15T14:46:58","date_gmt":"2025-10-15T11:46:58","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=546531"},"modified":"2025-10-15T14:46:58","modified_gmt":"2025-10-15T11:46:58","slug":"soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiixday-heshiis-diblomaasiyadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-iyo-azerbaijan-oo-kala-saxiixday-heshiis-diblomaasiyadeed\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis diblomaasiyadeed"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka, kadib heshiis is-afgarad ah oo ay ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee dalka Uganda.<\/p>\n<p>Heshiiskaan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad) iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan, Mudane, Samir Sharifov, xilli ay ka qeybgalayeen shir caalami ah oo ka socday Kampala.<\/p>\n<p>Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.<\/p>\n<p>Labada Wasiir ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo loo sii ballaarin lahaa xiriirka sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo celinta iyo xoojinta sumcadda caalamiga ah ee dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka, kadib heshiis is-afgarad ah oo ay ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee dalka Uganda. Heshiiskaan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad) iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":546533,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-546531","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546531","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=546531"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546531\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":546534,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546531\/revisions\/546534"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/546533"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=546531"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=546531"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=546531"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}