{"id":546188,"date":"2025-10-10T14:49:40","date_gmt":"2025-10-10T11:49:40","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=546188"},"modified":"2025-10-10T14:49:40","modified_gmt":"2025-10-10T11:49:40","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-107","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-107\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga\u00a0 ee Dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wejiga 1aad ee wadahadalladii ka socday\u00a0 magaalada Kismaayo ee lala yeeshay maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo lagu ballamey in wadatashiyada\u00a0 ay sii socdaan.<\/p>\n<p>3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka,isagoo xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada.<\/p>\n<p>4-Madaxweyne\u00a0 Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u \u00a0jeediyay shacabka Soomaaliyeed, kaddib, Salaaddii Jimcaha ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, tanaasulka dowladda ee tabashooyinka mucaaradka, nidaaminta dhulka danta guud iyo dhacdooyinkii amni-darro ee caasimadda ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>5-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u beenisay\u00a0 warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen \u201cheshiis qarsoodi ah\u201d oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sweden.<\/p>\n<p>6-Ra\u2019iisul Wasaare\u00a0 Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay\u00a0 Maxamed Xasan Cabdulle in uu noqda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.<\/p>\n<p>7-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa\u00a0 daah-furay qorshaha dib loogu furay waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.<\/p>\n<p>8-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.<\/p>\n<p>9-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jamaac\u00a0\u00a0 ayaa uga warbixiyey culimada iyo ganacsatada ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka , xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarrada kala duwan ee ay xaqiijisay dowladda.<\/p>\n<p>10-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi\u00a0 ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kuliyadda Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).<\/p>\n<p>11-\u00a0 Golaha Wasiirrada ayaa\u00a0 ansixiyay heshiisyo\u00a0 ku saabsan\u00a0 tacliinta sare, cilmi baarista iyo waxbarashada oo lala\u00a0 galay dalalka Uganda, Qatar iyo Algeria.<\/p>\n<p>12-\u00a0 Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden P\u00e5l Jonson, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka argagaxisada Al-Shabaab.<\/p>\n<p>13-\u00a0 Wasiirka Amniga Gudaha\u00a0\u00a0 Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa\u00a0\u00a0 magaalada Kampala kulan kula yeeshay Wasiirka Amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon Jim Katugugu Muhwezi,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada\u00a0 amniga, la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka.<\/p>\n<p>14-\u00a0 Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadaa Dr. Cali Xaaji Aadan\u00a0 ayaa magaalada Amman kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka ee Jordan Dr. Ibraahim Mahfuz Al-Badour.<\/p>\n<p>15-\u00a0 Wasiirka Hawlaha Guud\u00a0 Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaabayso mashaariic\u00a0 horumarineed oo\u00a0 dhismaha waddooyinka\u00a0 iyo biya-mareenada caasimada Moqdisho wax looga qabanayo.<\/p>\n<p>16-\u00a0 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa magaalada Kigali kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca Dalka Rwanda\u00a0 Juvenal Marizamunda, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Rwanda, General MK Mubarakh.<\/p>\n<p>17-\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka marwo\u00a0 Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Geneva kulamo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah safiirrada dalalka caalamka u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.<\/p>\n<p>18-\u00a0 Wasiirka Qorshaynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo George Conway oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u guddomiyey shirka Maamulka Sanduuqa Wadajirka Soomaaliya ee (SJF),oo looga hadlay\u00a0 Barnaamijka Taageerada Dowlad-Dhiska iyo Dib-u-heshiisiinta (SPSP).<\/p>\n<p>19-\u00a0 Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya hor-geeyay hannaanka xisaab xirka Warbixin Maaliyadeedkii 2024.<\/p>\n<p>20-\u00a0 Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa horgeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hindise-Sharciyeedka Caddaaladda Da\u2019yarta Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>21-\u00a0 Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa\u00a0 kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,iyadoo kulanka diirada lagu saaray dhinacyada isgaarsiinta, casriyeynta taknoolijiyada iyo ka hortagga ammaanka internet-ka.<\/p>\n<p>22-\u00a0 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali\u00a0 ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay 148 muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo ku dhibaateysnaa dalka Yeman oo ay dowladdu ku guuleysatay in ay dib ugu soo celiso dalkooda.<\/p>\n<p>23-\u00a0 Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta\u00a0 Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.<\/p>\n<p>24-\u00a0 Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo khudbad\u00a0 ka jeediyay munaasabadda furitaanka Shirka lagu aasaasay Shabakadda Soo Celinta Hantida La Lunsaday ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA-ARIN) kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.<\/p>\n<p>25-\u00a0 Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd tan 1993-dii.<\/p>\n<p>26-\u00a0 Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Al-Makhzoumi ayaa soo dhoweysay qaraarka Qaramada Midoobay ee ay Soomaaliya ku soo ceshatay kaalinteeda waajibaadka qaran ee xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>27-\u00a0 Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey ayaa diiradda lagu saaray kobcinta wax soo saarka wadamada gobolka oo socday laba maalmood.<\/p>\n<p>28-\u00a0 Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi\u00a0 ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay\u2019ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda.<\/p>\n<p>29-\u00a0 Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada\u00a0 Dr. Cali Xaaji Aadan, oo ka qayb galaya Shirka Wasiirrada Caafimaadka dalalka Islaamka ee ka socda magaalada Amman ee dalka Urdun, ayaa kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay wasiirrada caafimaadka dalalka Malaysia iyo Brunei Darussalam.<\/p>\n<p>30-\u00a0 La-Taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray kulan labo maalmood u socday masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Amniga Qaranka iyo xafiisyada Amniga ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.<\/p>\n<p>31-\u00a0 Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho\u00a0 Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa\u00a0 dekadda ku soo dhaweeyay ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan Muqdisho uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Ganacsiga, maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka.<\/p>\n<p>32-\u00a0 Agaasimaha Guud ee Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda\u00a0 Mustafe Dhuxulow ayaa\u00a0 kulan mirro dhal ah la qaatay danjireyaasha dawladaha Qatar\u00a0 iyo Talyaaniga ee Soomaaliya\u00a0 u jooga ,isagoo kala hadlay horumarinta adeegyada socdaalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.<\/p>\n<p>33-\u00a0 Wasaarada Amniga oo war kasoo saartay weerarkii\u00a0 Khawaarijta Al-Shabaab ku\u00a0 qaaday Xarunta Baarista Jilacow ee NISA, iyadoo oo sheegtay in dhamaan la toogtay dhagar-qabayaashii weerarka fuliyay oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.<\/p>\n<p>34-\u00a0 Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta\u00a0 Sadaad Maxamed Nuur, ayaa ka qeyb galay Shirka 76-aad ee Guddiga Fulinta Hay\u2019adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR),oo ka qabsoomay\u00a0\u00a0 magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.<\/p>\n<p>35-\u00a0 Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalka\u00a0 Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi.<\/p>\n<p>36-\u00a0 Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah Expo 2025 ee ka qabsoomay\u00a0 Osaka ee dalka\u00a0 Japan.<\/p>\n<p>37-\u00a0 Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faysal Aadan Xasan ayaa furay kulan dadweyne oo ku saabsan Kaalinta Bulshada ee ku aaddan Horrumarinta Cadaaladda.<\/p>\n<p>38-\u00a0 Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo xiray shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya, kaas oo socday muddo Shan maalmood ah.<\/p>\n<p>39-\u00a0 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S\/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda.<\/p>\n<p>40-\u00a0 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM ayaa la wareegay degmada muhiimka ah ee Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>41-\u00a0 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa\u00a0 maleeshiyaadka Khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii dambe ay argagaxisada ka dhigaanayeen gabbaad.<\/p>\n<p>42-\u00a0 Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga furtay hawlwadeenada xabsiyada dalka.<\/p>\n<p>43-\u00a0 Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka hortagga askareynta carruurta.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga\u00a0 ee Dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Muqdisho. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wejiga 1aad ee wadahadalladii ka socday\u00a0 magaalada Kismaayo ee lala yeeshay maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo lagu ballamey in wadatashiyada\u00a0 ay sii socdaan. 3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":546189,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-546188","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546188","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=546188"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546188\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":546190,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/546188\/revisions\/546190"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/546189"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=546188"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=546188"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=546188"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}