{"id":545744,"date":"2025-10-05T09:03:43","date_gmt":"2025-10-05T06:03:43","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=545744"},"modified":"2025-10-05T09:16:46","modified_gmt":"2025-10-05T06:16:46","slug":"ciidanka-ammaanka-oo-soo-afjaray-weerarkii-khawaarijtu-ku-qaaday-xarunta-godka-jilicow","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidanka-ammaanka-oo-soo-afjaray-weerarkii-khawaarijtu-ku-qaaday-xarunta-godka-jilicow\/","title":{"rendered":"Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow"},"content":{"rendered":"<p>Muqdishho(SONNA):- kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Xarunta Baarista Jilacow oo ah goob lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan kooxaha argagixisada.<\/p>\n<p>Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.<\/p>\n<p>Waxaa xusid mudan in argagixisadu adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufiyeen midabka iyo astaanta ciidamada amniga, islamarkaana ay xirnaayeen darees u eg direyska ciidamada. Tani waxay u suurto galisay inay si sahlan uga gudbaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn gaadiidka ciidamada qalabka sida.<br \/>\nArrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go\u2019aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka.<\/p>\n<p>Weerarka argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga argagixisada ah ee shalay, 03-da Oktoobar 2025, jab xooggan loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo laga xoreeyay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.<br \/>\nSidoo kale, 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo culus oo ka dhacay deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow ayaa lagu dilay horjoogayaal waaweyn oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, oo uu ka mid yahay ku-xigeenkii madaxa guud ee Amniyaadka kooxda Al-Shabaab, ahaana madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa, dhagarqabe Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax).<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, waxaa la farayaa hay\u2019adaha amniga in ay si buuxda u dhaqan geliyaan:<br \/>\n\u2022 Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda (X.Lr. 134)<br \/>\n\u2022 Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah (X.Lr. 135)<br \/>\n\u2022 Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda (X.Lr. 123)<\/p>\n<p>Waxaa si gaar ah loo farayaa hay\u2019adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda.<\/p>\n<p>Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada amniga ee ay ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad degdeg ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-545749 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/FB_IMG_1759643764097-1.jpg\" alt=\"\" width=\"763\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/FB_IMG_1759643764097-1.jpg 763w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/FB_IMG_1759643764097-1-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/FB_IMG_1759643764097-1-723x1024.jpg 723w\" sizes=\"auto, (max-width: 763px) 100vw, 763px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-545750\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/FB_IMG_1759643766280-212x300.jpg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/FB_IMG_1759643766280-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/FB_IMG_1759643766280-723x1024.jpg 723w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/FB_IMG_1759643766280.jpg 763w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdishho(SONNA):- kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Xarunta Baarista Jilacow oo ah goob lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan kooxaha argagixisada. Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood. Waxaa xusid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":545751,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-545744","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545744","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=545744"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545744\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":545752,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545744\/revisions\/545752"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/545751"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=545744"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=545744"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=545744"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}