{"id":545239,"date":"2025-09-27T19:44:00","date_gmt":"2025-09-27T16:44:00","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=545239"},"modified":"2025-09-27T19:44:00","modified_gmt":"2025-09-27T16:44:00","slug":"muxuu-soomaaliya-uga-dhigan-yahay-kursiga-ay-ku-yeelatay-golaha-ammaanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/muxuu-soomaaliya-uga-dhigan-yahay-kursiga-ay-ku-yeelatay-golaha-ammaanka\/","title":{"rendered":"Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefishinka Al-Carabiya ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tan iyo 1972-kii.<\/p>\n<p>Hadda, waa markii labaad oo dib loogu doortay Soomaaliya xubin aan joogta ahayn oo ka tirsan Golaha.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa wareysigiisa ku sheegay doorar muhiim ah oo ay Soomaaliya ka ciyaarto Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee xubinta ka tahay Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201c Sida aan horay u sheegay, Waxaan leedahay doorar badan oo aan ka ciyaarno Qaramada Midoobay, Waxaan nahay waddan Afrikaan ah kana mid ah saddexda dal ee matalaya Midowga Afrika, sidaas daraateed waxaa naga go\u2019an inaan difaacno mabaadii\u2019da iyo arrimaha Midowga Afrika, waxaanna xubin ka nahay Jaamacadda Carabta, waxaa na saaran mas\u2019uuliyad ah inaan matalno danaha dalalka Carabta markasta oo arrimahooda miiska ay yimaadaan,\u201d.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wareysiga uu bixiyay madaxweynaha JFS ayuu kaga hadlay qadiyadda Falastiin iyo mowqifkiisa arrimaha socda maanta.<\/p>\n<p>\u201d Maanta qadiyadda Falastiin waa hormuudka mowqifkeenna waa mid cad oo joogta ah, Sidoo kale, waxaa xubin ka nahay Ururka Iskaashiga Islaamka, waanna waajib na saaran difaaca arrimaha quseeya dunida Islaamka, sidaas awgeed, Soomaaliya waxaa saaran mas\u2019uuliyado kala duwan, Waxaan u joognaa inaan u adeegno danaha shacabka iyo dalalka aan matalno,\u201d ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefishinka Al-Carabiya ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tan iyo 1972-kii. Hadda, waa markii labaad oo dib loogu doortay Soomaaliya xubin aan joogta ahayn oo ka tirsan Golaha. Madaxweynaha ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":545218,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-545239","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545239","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=545239"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545239\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":545249,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545239\/revisions\/545249"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/545218"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=545239"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=545239"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=545239"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}