{"id":545150,"date":"2025-09-25T14:24:35","date_gmt":"2025-09-25T11:24:35","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=545150"},"modified":"2025-09-25T14:24:35","modified_gmt":"2025-09-25T11:24:35","slug":"wasiir-al-caddaala-oo-ka-hadlay-muhiimadda-dalxiiska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiir-al-caddaala-oo-ka-hadlay-muhiimadda-dalxiiska\/","title":{"rendered":"Wasiir Al-caddaala oo ka hadlay muhiimadda dalxiiska"},"content":{"rendered":"<p>USA-(SONNA)-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Aqalka Sharci-dejinta ee gobolka Minnesota, halkaas oo si sharaf leh loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Samakaab Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka gobolkaas.<\/p>\n<p>Kulanka labada mas&#8217;uul ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda kobcinta dalxiiska Soomaaliya iyo kaalinta dimuqraadiyaddu ku leedahay horumarinta dalka.<\/p>\n<p>Wasiir Al-Caddaala ayaa Xildhibaan Samakaab guddoonsiiyey Shahaado sharaf, isaga oo uga mahadceliyey kaalinta uu ka qaatay xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo dalkii hooyo.<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dalxiiseed oo u baahan in la soo bandhigo, isagoo xusay in qurba-joogtu ay door muuqda ku yeelan karaan dhiirrigelinta dhaqaalaha dalxiiska.<\/p>\n<p>Sidoo kale wuxuu sheegay in dimuqraadiyaddu tahay tiir muhiim u ah dowlad-dhisidda, isla markaana mudan in laga faa\u2019iideysto casharrada laga baran karo nidaamka sharci-dejinta Minnesota.<\/p>\n<p>Xildhibaan Samakaab Xuseen ayaa Wasiirka ku soo wareejiyey xafiisyada Aqalka Sharci-dejinta Minnesota, isagoo uga warramay taariikhda dhismaha Golaha, habraacyada sharci-dejinta iyo sida dimuqraadiyaddu ugu adeegto bulshada gobolka.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo qurba-joogta, gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, dhaqanka iyo dimuqraadiyadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>USA-(SONNA)-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Aqalka Sharci-dejinta ee gobolka Minnesota, halkaas oo si sharaf leh loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Samakaab Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka gobolkaas. Kulanka labada mas&#8217;uul ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda kobcinta dalxiiska Soomaaliya iyo kaalinta dimuqraadiyaddu ku leedahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":545151,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-545150","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545150","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=545150"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545150\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":545152,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545150\/revisions\/545152"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/545151"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=545150"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=545150"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=545150"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}