{"id":545048,"date":"2025-09-23T20:36:53","date_gmt":"2025-09-23T17:36:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=545048"},"modified":"2025-09-23T20:36:53","modified_gmt":"2025-09-23T17:36:53","slug":"shir-u-dhexeeya-wasaaradda-duulista-hawada-iyo-bankiga-adduunka-oo-nairobi-lagu-soo-gabangabeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/shir-u-dhexeeya-wasaaradda-duulista-hawada-iyo-bankiga-adduunka-oo-nairobi-lagu-soo-gabangabeeyey\/","title":{"rendered":"Shir u dhexeeya wasaaradda duulista hawada iyo Bankiga adduunka oo Nairobi lagu soo gabangabeeyey"},"content":{"rendered":"<p>Nairobi (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir-hawleed ballaaran oo muddo toddobaad ah socday, kaasi oo ay yeesheen kooxo farsamo oo ka kala socday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.<\/p>\n<p>Shirkan oo furmay 15-kii bishan ayaa si qoto dheer looga dooday sidii loo horumarin lahaa, loona adkayn lahaa garoomada diyaaradaha dalka iyo kaabayaasha kale ee aasaasiga u ah maamulka duulista rayidka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Intii uu shirku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qorshayaal muhiim ah oo wax badan ka beddeli doona adeegyada duulista dalka, waxaana ka mid ah:<\/p>\n<p>\u2022In la hirgeliyo qalab casri ah oo suurtagelinaya in garoomada dalka ay shaqeeyaan habeen iyo maalin.<\/p>\n<p>\u2022In wax laga qabto garoomada yaryar, si ay diyaaradaha waaweyn uga degi karaan.<\/p>\n<p>\u2022In la xoojiyo dhammaan kaabayaasha la xiriira duulista rayidka, si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa rajaynaysa in dadaalladan socda ay gacan ka geysan doonaan horumar muuqda oo laga gaaro waaxda duulista hawada, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalka.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Bankiga Adduunka ayaa caddeeyay inuu ka go\u2019an yahay sii wadidda taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha, duulista iyo gaadiidka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nairobi (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir-hawleed ballaaran oo muddo toddobaad ah socday, kaasi oo ay yeesheen kooxo farsamo oo ka kala socday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. Shirkan oo furmay 15-kii bishan ayaa si qoto dheer looga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":545049,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-545048","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545048","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=545048"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545048\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":545050,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/545048\/revisions\/545050"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/545049"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=545048"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=545048"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=545048"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}