{"id":544780,"date":"2025-09-20T13:10:42","date_gmt":"2025-09-20T10:10:42","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=544780"},"modified":"2025-09-20T13:40:47","modified_gmt":"2025-09-20T10:40:47","slug":"kooxda-dekedaha-oo-nairobi-kula-ciyaaraysa-al-zamala-sports-club","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/kooxda-dekedaha-oo-nairobi-kula-ciyaaraysa-al-zamala-sports-club\/","title":{"rendered":"Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Kooxda kubadda cagta Dekadaha FC oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka CAF ayaa Axadda, 21-ka September 2025, la ciyaari doonta kooxda Alzamala Sports Club oo ka socota dalka Sudan, kulan ayaa ka dhici doona garoonka Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi, saacadda 4:00 galabnimo.<\/p>\n<p>Ka hor safarka, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur \u201cAmeeriko\u201d, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay ciyaartooyda iyo maamulka kooxda, Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay si sharaf leh ugu matalaan magaca iyo calanka Soomaaliya, isagoo xusay in guusha ay gaaraan ay astaan u noqon doonto sumcadda iyo magaca qaranka.<\/p>\n<p>\u201cKooxda Dekedaha waxay mataleysaa magaca qaranka, waxaana naga go\u2019an inaan taageerno koox kasta oo kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya,\u201d ayuu yiri Danjire Ameeriko, oo horey uga soo shaqeeyay diblomaasiyadda isagoo ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya.<\/p>\n<p>Danjiraha ayaa xusuusiyay waayo-aragnimadiisii hore ee Nairobi, xilli xulka qaranka Soomaaliya uu halkaas ciyaaro ku lahaa, isagoo tilmaamay sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay u buux dhaafiyeen garoomada, Wuxuu xusay in xataa wargeysyada Kenya ay markaas qoreen in taageerayaashu garoonka ka dhigeen \u201csida Muqdisho oo kale.\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Kooxda kubadda cagta Dekadaha FC oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka CAF ayaa Axadda, 21-ka September 2025, la ciyaari doonta kooxda Alzamala Sports Club oo ka socota dalka Sudan, kulan ayaa ka dhici doona garoonka Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi, saacadda 4:00 galabnimo. Ka hor safarka, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur \u201cAmeeriko\u201d, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":544781,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[85,94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-544780","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-ciyaaraha","8":"category-gudaha","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544780","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=544780"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544780\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":544792,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544780\/revisions\/544792"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/544781"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=544780"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=544780"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=544780"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}