{"id":544717,"date":"2025-09-18T17:15:41","date_gmt":"2025-09-18T14:15:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=544717"},"modified":"2025-09-18T17:16:53","modified_gmt":"2025-09-18T14:16:53","slug":"hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-qabatay-wada-tashi-ku-saabsan-qaadashada-soomaaliya-ee-shabakadda-isgaarsiinta-isku-xiran-ee-geeska-afrika-ona","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-qabatay-wada-tashi-ku-saabsan-qaadashada-soomaaliya-ee-shabakadda-isgaarsiinta-isku-xiran-ee-geeska-afrika-ona\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda Isgaarsiinta oo Qabatay Wada-tashi ku saabsan Qaadashada Soomaaliya ee Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran (ONA)"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise goboleed lagu yareynayo kharashaadka isgaarsiinta xuduudaha la isku maro isla markaana lagu horumarinayo isdhexgalka dhijitaalka ah ee Bulshada Bariga Afrika.<\/p>\n<p>Wada-tashigu wuxuu isu keenay shirkadaha isgaarsiinta si ay dib u eegis ugu sameeyaan qorshaha Soomaaliya ee ku biirista ONA iyo inay soo gudbiyaan talo iyo jawaab celin ku saabsan diyaarinta farsamo iyo sharci ee looga baahan yahay.<\/p>\n<p>Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo furay kulanka, ayaa xusay muhiimadda hindisahan, isagoo yiri: \u201cKu biirista Soomaaliya ee Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran waxay ka dhigan tahay dhimista kharashaadka adeegga roaming-ka, kobcinta isku-xirnaanta bulshada Bariga Afrika, taageeridda isbeddelkeenna dhijitaalka ah, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.\u201d<\/p>\n<p>Intii uu socday kulanka, Hay&#8217;addu waxa ay soo bandhigtay Khariidadda Qaran ee Soomaaliya ee ku saabsan hirgelinta ONA, taas oo qeexaysa marxalado lagu fulinayo. Qorshe-hawleedku wuxuu bixinayaa waddo cad oo lagu waafajinayo shuruucda qaranka iyo tacriifooyinka heerarka gobollada, diyaarinta xeer-nidaamiyeyaasha, iyo hubinta is dhexgalka loo dhan yahay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise goboleed lagu yareynayo kharashaadka isgaarsiinta xuduudaha la isku maro isla markaana lagu horumarinayo isdhexgalka dhijitaalka ah ee Bulshada Bariga Afrika. Wada-tashigu wuxuu isu keenay shirkadaha isgaarsiinta si ay dib u eegis ugu sameeyaan qorshaha Soomaaliya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":544718,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-544717","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544717","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=544717"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544717\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":544721,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544717\/revisions\/544721"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/544718"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=544717"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=544717"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=544717"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}