{"id":544630,"date":"2025-09-17T11:48:42","date_gmt":"2025-09-17T08:48:42","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=544630"},"modified":"2025-09-17T11:48:42","modified_gmt":"2025-09-17T08:48:42","slug":"duqa-muqdisho-oo-xarigga-ka-jaray-12-waddo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/duqa-muqdisho-oo-xarigga-ka-jaray-12-waddo\/","title":{"rendered":"Duqa muqdisho oo xarigga ka jaray 12 waddo"},"content":{"rendered":"<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo Intarloog ah (Interlock), kuwaas oo laga hirgeliyay Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Mashruuca dhismaha waddooyinkan waxaa si wadajir ah u fuliyey bulshada deegaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in xasilloonida iyo nabadgelyada ka jirta caasimadda ay saldhig u noqdeen horumarka socda. Wuxuu caddeeyay in canshuurta shacabka lagu celin doono, loona adeegsan doono dhismaha waddooyinka muhiimka ah iyo adeegyada kale ee bulshada aas-aasiga u ah.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu shaaciyay in dhismaha Wadada Warshadaha uu qorshe ku jiro islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo, halka Daalo iyo Fagax uu ballan qaaday in maalmaha soo socda si muuqata wax looga qaban doono.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x14z9mp xat24cr x1lziwak x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxaana munaasabadda xarig-ka-jarka goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo madaxda degmada.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo Intarloog ah (Interlock), kuwaas oo laga hirgeliyay Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag. Mashruuca dhismaha waddooyinkan waxaa si wadajir ah u fuliyey bulshada deegaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa waxa uu hoosta ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":544631,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-544630","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544630","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=544630"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544630\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":544632,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544630\/revisions\/544632"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/544631"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=544630"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=544630"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=544630"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}