{"id":544619,"date":"2025-09-17T10:49:51","date_gmt":"2025-09-17T07:49:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=544619"},"modified":"2025-09-17T10:50:41","modified_gmt":"2025-09-17T07:50:41","slug":"taliska-ciidanka-iyo-sodma-oo-ka-wada-hadlay-sidii-loo-gargaar-loo-gaarsiin-lahaa-goobaha-laga-xoreeyay-khawaarijta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/taliska-ciidanka-iyo-sodma-oo-ka-wada-hadlay-sidii-loo-gargaar-loo-gaarsiin-lahaa-goobaha-laga-xoreeyay-khawaarijta\/","title":{"rendered":"Taliska ciidanka xoogga iyo SoDMA oo ka wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay khawaarijta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Hey&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.<\/p>\n<p>Labada mas&#8217;uul ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda guud ee cimillada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib u xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay&#8217;adda SODMA ay uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini&#8217;aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo Khawaarijta.<\/p>\n<p>Waxaa la isku afgartay in SODMA ay u diyaargarowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaanka u noqon lahayd isku dubbaridka dhammaan howlaha bini&#8217;aadannimo.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxay labada mas&#8217;uul isla qaateen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay&#8217;adda SoDMA.<\/p>\n<p>Guddigaan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.<\/p>\n<p>Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale ka codsaday Gudoomiyaha SODMA in hay&#8217;addu ay ciidanka xoogga dalka ka caawiso sidii ay qayb uga noqon lahayd gaarsiinta gargaarka iyo caawinta dadka ku nool goobaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya hay&#8217;adaha dowladda, si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, loona gaarsiiyo gargaar degdeg ah xilliyada ay u baahan yihiin.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Hey&#8217;adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage. Labada mas&#8217;uul ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda guud ee cimillada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib u xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay&#8217;adda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":544620,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-544619","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544619","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=544619"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544619\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":544623,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/544619\/revisions\/544623"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/544620"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=544619"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=544619"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=544619"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}