{"id":543537,"date":"2025-08-31T19:03:44","date_gmt":"2025-08-31T16:03:44","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=543537"},"modified":"2025-08-31T19:03:44","modified_gmt":"2025-08-31T16:03:44","slug":"ciidamada-xoogaa-dalka-oo-lagu-bogaadiyay-howlgal-lagu-jabiyay-khawaarijta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidamada-xoogaa-dalka-oo-lagu-bogaadiyay-howlgal-lagu-jabiyay-khawaarijta\/","title":{"rendered":"Ciidamada Xoogaa Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax ( Jareere) oo uu weheliyo Dhanme Abshir Guutaale oo ka mid ah saraakiisba Ciidamada Xoogaa Dalka ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo kormeer iyo Dhiiragelin ugu tegay Ciidamada ku sugan gobolkaas.<\/p>\n<p>Taliyaha Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor Gaashaanle Dhexe Cosoble Cali Niur ayaa ku soo dhoweeyay taliyaha iyo xubnaha kale ee saraakiisha fadhiga ciidanka, wuxuuna warbixin kooban ka siiyay howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Gaashaanle Dhexe Saahid Jareere, ayaa ciidamada uu u tegay kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan baacsiga Khawaarijta si amni iyo xasillooni u helaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah argagixisada.<\/p>\n<p>ciidamada Xoogaa Dalka, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor ayaa howlgalo lagu jabiyay Khawaarijta ka sameeyay deegaanno iyo degmooyin \u00a0Gobolka Shabeellaha Dhexe ka tirsan,halkaas oo kal hore laga bilaabay howlgalka loogu magac-daray \u201c Duufaanta Aamusan\u201d.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax ( Jareere) oo uu weheliyo Dhanme Abshir Guutaale oo ka mid ah saraakiisba Ciidamada Xoogaa Dalka ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo kormeer iyo Dhiiragelin ugu tegay Ciidamada ku sugan gobolkaas. Taliyaha Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor Gaashaanle [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":520411,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-543537","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/543537","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=543537"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/543537\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":543538,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/543537\/revisions\/543538"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/520411"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=543537"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=543537"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=543537"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}