{"id":542602,"date":"2025-08-17T16:10:28","date_gmt":"2025-08-17T13:10:28","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=542602"},"modified":"2025-08-17T16:10:28","modified_gmt":"2025-08-17T13:10:28","slug":"ciidamada-xoogga-dalka-oo-howlgal-qorsheysan-ku-dilay-horjooge-sare-oo-ka-tirsanaa-khawaarijta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidamada-xoogga-dalka-oo-howlgal-qorsheysan-ku-dilay-horjooge-sare-oo-ka-tirsanaa-khawaarijta\/","title":{"rendered":"Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen). Howlgalkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.<\/p>\n<p>Horjoogahan, oo kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay. Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.<\/p>\n<p>Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu soo noqday:<br \/>\n* Madaxa howlgelinta dagaalka ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo,<br \/>\n* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool,<br \/>\n* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan,<br \/>\nisla markaana wuxuu soo noqday ku-xigeenkii Fu\u2019aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.<\/p>\n<p>Dhagarqabe Xuseen ayaa ka danbeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo dalka ah, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka. Dilkiisu wuxuu caddeyn u yahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go\u2019an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta Al-Shabaab iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa howgallada CXD, waxayna xaqiijineysaa in howlgalada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-542603\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/be417584-1a07-40b9-943a-6e43805bf464.jpg\" alt=\"\" width=\"1131\" height=\"1600\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/be417584-1a07-40b9-943a-6e43805bf464.jpg 1131w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/be417584-1a07-40b9-943a-6e43805bf464-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/be417584-1a07-40b9-943a-6e43805bf464-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/be417584-1a07-40b9-943a-6e43805bf464-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/be417584-1a07-40b9-943a-6e43805bf464-1086x1536.jpg 1086w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/be417584-1a07-40b9-943a-6e43805bf464-860x1217.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1131px) 100vw, 1131px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen). Howlgalkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":514900,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-542602","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542602","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=542602"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542602\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":542604,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542602\/revisions\/542604"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/514900"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=542602"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=542602"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=542602"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}