{"id":542463,"date":"2025-08-15T14:02:06","date_gmt":"2025-08-15T11:02:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=542463"},"modified":"2025-08-15T14:02:06","modified_gmt":"2025-08-15T11:02:06","slug":"danjire-hodan-cusmaan-oo-daahfurtay-kulan-aqoon-kororsi-ah-oo-loo-qabtay-shaqaalaha-madaxtooyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/danjire-hodan-cusmaan-oo-daahfurtay-kulan-aqoon-kororsi-ah-oo-loo-qabtay-shaqaalaha-madaxtooyada\/","title":{"rendered":"Danjire Hodan Cusmaan oo daahfurtay kulan aqoon-kororsi ah oo loo qabtay shaqaalaha madaxtooyada"},"content":{"rendered":"<p><strong>Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha \u00a0Drs. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta daahfurtay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen mas\u2019uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0Kulanka oo socon doona 15-ka ilaa 29-ka bishaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), iyadoo diiradda lagu saarayo maamulka, hoggaaminta iyo hannaanka dawladnimada casriga ah.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Aqoon-isweydaarsigaan waxa uu salka ku hayaa istaraatiijiyad lagu doonayo in laga faa\u2019iideysto khibradda qoto-dheer ee uu Shiinuhu ku kasbaday dib-u-habaynta dowladnimada, furfurnaanta dhaqaale iyo istaraatiijiyadaha horumarineed ee guuleystay. <\/strong><\/p>\n<p><strong>Ujeedka kulanka waa in mas\u2019uuliyiinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku arkaan, ku falanqeeyaan, kuna qiimeeyaan hababka lagu gaaro horumar joogto ah oo ku dhisan qorshe qaran, hufnaan iyo adeeg dadweyne oo tayo leh, si ay fikradahaasi ugu tarjumi karaan duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Danjire Drs. Hodan Cusmaan Cabdi oo ka hadashay kulanka aqoon-isweydaarsiga ayaa xustay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay dadaallada socda ee Soomaaliya ku doonayso dib-u-habaynta hay\u2019adaha, kobcinta dhaqaalaha iyo dhisidda dowlad hufan oo wax-ku-ool ah,iyadoo docda kale ku boorrisay kaqeybgalayaasha \u00a0in ay si furan uga faa\u2019iideystaan waayo-aragnimada Shiinaha.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mas\u2019uuliyiinta ka socday Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), ayaa dhinacooda muujiyay sida ay uga go\u2019an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maamulka, dib-u-dhiska hay\u2019adaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga. <\/strong><\/p>\n<p><strong>Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhimac.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha \u00a0Drs. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta daahfurtay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen mas\u2019uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. \u00a0Kulanka oo socon doona 15-ka ilaa 29-ka bishaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":542464,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-542463","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542463","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=542463"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542463\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":542465,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542463\/revisions\/542465"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/542464"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=542463"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=542463"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=542463"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}