{"id":542390,"date":"2025-08-14T10:35:48","date_gmt":"2025-08-14T07:35:48","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=542390"},"modified":"2025-08-14T10:35:48","modified_gmt":"2025-08-14T07:35:48","slug":"r-w-ku-xigeenka-labaad-ee-soomaaliya-oo-kulan-la-yeeshay-madaxweynaha-koonfur-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/r-w-ku-xigeenka-labaad-ee-soomaaliya-oo-kulan-la-yeeshay-madaxweynaha-koonfur-afrika\/","title":{"rendered":"R\/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdi Rashid Xaaji Cabdi, oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga qeybgalaya Shirka Horumarinta Biyaha Qaaradda Afrika.<\/p>\n<p>Intii uu shirku socday, Mudane Jibriil Cabdi Rashid ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isaaq.<\/p>\n<p>Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, iyadoo diiradda la saaray:<\/p>\n<p>\u2013 Kor u qaadista iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.<\/p>\n<p>\u2013 Fududeynta socdaalka iyo fiiseyaasha muwaadiniinta labada dal.<\/p>\n<p>\u2013 La-dagaallanka tacaddiyada lagula kaco ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.<\/p>\n<p>\u2013 Taageeridda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ah.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ramaphosa martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdi Rashid Xaaji Cabdi, oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga qeybgalaya Shirka Horumarinta Biyaha Qaaradda Afrika. Intii uu shirku socday, Mudane Jibriil Cabdi Rashid ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":542391,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-542390","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542390","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=542390"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542390\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":542392,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542390\/revisions\/542392"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/542391"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=542390"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=542390"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=542390"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}