{"id":542070,"date":"2025-08-08T14:40:01","date_gmt":"2025-08-08T11:40:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=542070"},"modified":"2025-08-08T14:46:29","modified_gmt":"2025-08-08T11:46:29","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-98","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-98\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa\u00a0 ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Ethiopia, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.<\/p>\n<p>2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>3-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye Ku-xigeenka Koowaad ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>4-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles Nicholas King, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal.<\/p>\n<p>5-Wasaaradda Cadaaladda iyo Maxkamadda Sare ayaa qabatey kulan wadajir ah oo looga hadlayay caqabadaha ka taagan xabsiyada dalka sida buux-dhaafka maxaabiista iyo arrimaha badqabka maxaabiista.<\/p>\n<p>6-Wasiirka Arrimaha Dibadda\u00a0 Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa\u00a0 qaabilay\u00a0 Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.<\/p>\n<p>7-Shirka Madasha Bani\u2019aadannimada Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.<\/p>\n<p>8-Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani\u2019aadannimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway ayaa sheegay in xaaladda bani\u2019aadannimo ee Soomaaliya ay ka jirto baahi ballaaran oo u baahan gurmad degdeg ah.<\/p>\n<p>9-Waxaa\u00a0 magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay\u2019adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) kaas oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay\u2019adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga kaarka aqoonsiga qaranka.<\/p>\n<p>10- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha\u00a0 Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay, Danjire Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>11- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya , Karin Johansson,iyagoo ka wada hadlay difaaca dhanka amniga iyo\u00a0 taageerada Yurub ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>12- Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ayaa jab xooggan gaarsiiyey argagaxisada Al-Shabaab dagaal ka dhacay magaalada Bariire ee gobolka Shabeelleha Hoose, iyadoo halkaasi lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada.<\/p>\n<p>13- Dab khasaare maaliyadeed oo baaxad leh gaystay ayaa qabsaday\u00a0 Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>14- Wasiirka Maaliyadda\u00a0 Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshaya Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles King, iyagoo ka wadahadley xiriirka dhaqaale ee labada dal.<\/p>\n<p>15- Agaasimaha Guud ee Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay\u2019addu siiso bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>16- Wasiirka Arrimaha Dibadda\u00a0 Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka\u00a0 guddoomay\u00a0 qaar ka mid ah nuqulka\u00a0 warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirada\u00a0 dalalka Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.<\/p>\n<p>17- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho\u00a0 Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)\u00a0 ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo dollar ($200,000) ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya.<\/p>\n<p>18- Safaaradda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya\u00a0 ee dalka Hindiya ayaa magaalada New Delhi ku soo dhoweysay toban diblomaasiyiin oo ka socday\u00a0 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi socdaal shaqo ku gaarey.<\/p>\n<p>19- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Maxamed Aadan Afrax, Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar .<\/p>\n<p>20- Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda\u00a0 Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa magaaladda Bangui ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe uga qeyb galey shirka Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka Afrika oo looga hadlay\u00a0 horumarinta dhaqaalaha iyo u adkeysiga isbedelka cimiladda .<\/p>\n<p>21- Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa\u00a0 ayaa magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kulamo wadatashi ah la kula qaatay odaayasha dhaqanka\u00a0 ,iyagdoo ka wadahadley sidii shacabka ay ula shaqeyn lahaayeen Ciidamada Qalabka Sida ee dhowaan la wareegay amniga gobalka.<\/p>\n<p>22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta\u00a0 ayaa magacaabay Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>23- Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo gabagabaysay aqoon isweydaarsi ku saabsan\u00a0 diyaarinta waajibaadka iyo qaab dhismeedka guud ee amniga badaha Soomaaliya iyo duulaanka khataraha badaha ka dhaca.<\/p>\n<p>24- Ciidamada Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa hawgallo ku beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku yaalley degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>25- Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) oo ka tirsanaa argagixisada Al Shabab ayaa lagu\u00a0 fuliyay dil toogasho oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada kadib markii ay ku heshay dilal iyo dembiyo argagixiso oo ay geysteen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa\u00a0 ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Ethiopia, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 3-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":542071,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-542070","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542070","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=542070"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542070\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":542075,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/542070\/revisions\/542075"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/542071"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=542070"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=542070"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=542070"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}