{"id":541988,"date":"2025-08-06T14:56:19","date_gmt":"2025-08-06T11:56:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=541988"},"modified":"2025-08-06T15:04:57","modified_gmt":"2025-08-06T12:04:57","slug":"kulan-ku-saabsan-is-waafajinta-adeegyada-hayadaha-socdaalka-iyo-nira-oo-lagu-qabtay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/kulan-ku-saabsan-is-waafajinta-adeegyada-hayadaha-socdaalka-iyo-nira-oo-lagu-qabtay-muqdisho\/","title":{"rendered":"kulan ku saabsan is-waafajinta adeegyada hay\u2019adaha socdaalka iyo NIRA oo lagu qabtay muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo Hay\u2019adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) kaas oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay\u2019adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.<\/p>\n<p>Kulanka oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaa qeyb ka ahaa:<\/p>\n<p>* Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)<\/p>\n<p>* Maareeyaha Hay\u2019adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde)<\/p>\n<p>* Agaasimaha Guud ee Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Dhuxuloow<\/p>\n<p>* Howlwadeeno ka kala socday labada hay\u2019adood<\/p>\n<p>Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxaa ka mid ahaa:<\/p>\n<p>* Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka<\/p>\n<p>* Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga<\/p>\n<p>* Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed<\/p>\n<p>* Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA<\/p>\n<p>* Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hay\u2019adood.<\/p>\n<p>Intii uu socday kulanka, waxaa laysla meel dhigay in laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, dadka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliya in laga rabo in ay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa la go\u2019aamiyay in laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, dhammaan socdaalka gudaha dalka lagu xiro isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogta shakhsiga ah ee muwaadiniinta.<\/p>\n<p>Labada Hay&#8217;adood ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wadajir ah uga shaqeynayay is-waafajinta adeegyada dowliga ah ee ay siiyaan dadweynaha, si muwaadiniinta loogu sahlo helitaanka xaquuqdooda dastuuriga ah.<\/p>\n<p>Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo xogaha muwaadiniinta, laguna adkeynayo dhawrista xogta, ammaanka, iyo hufnaanta adeegyada dowladda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo Hay\u2019adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) kaas oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay\u2019adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Kulanka oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaa qeyb ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":541989,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-541988","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541988","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=541988"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541988\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":541993,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541988\/revisions\/541993"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/541989"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=541988"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=541988"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=541988"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}