{"id":541298,"date":"2025-07-24T17:41:39","date_gmt":"2025-07-24T14:41:39","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=541298"},"modified":"2025-07-24T18:46:40","modified_gmt":"2025-07-24T15:46:40","slug":"ficilada-cimilada-soomaaliya-khataraha-diignaha-hore-iyo-xalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ficilada-cimilada-soomaaliya-khataraha-diignaha-hore-iyo-xalka\/","title":{"rendered":"Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka"},"content":{"rendered":"<p>Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Diignaha hore, iyo Xalka.<\/p>\n<p>Horudhac.<\/p>\n<p>Isbeddelka cimilada waa caqabad dhab ah oo si toos ah u taabanaysa Soomaaliya. Waa dal wali kasoo kabanaya burburkii siyaasadeed iyo dhaqaale isla markaana wajahaya dhibaatooyin kasii daran oo ka dhashay isbedelka cimilada. Waxaa kamid ah abaaro soo noqnoqda, fatahaado, dhir la\u2019aan, iyo barakac baahsan oo saameyn ku yeeshay malaayiin qof.<\/p>\n<p>Isbeddelka cimilada (Climate change) waa isbedbedel joogto ah oo ku yimaada heerkulka, roobka, dabeylaha iyo xaaladaha kale ee cimilada dunida. Isbeddelkan waxaa sababa waxyaabo ay ka mid yihiin isticmaalka badan ee shidaalka, jarista dhirta, iyo hawada wasakheysan oo kordhinaysa gaasaska dhirta lagu koriyo (greenhouse gases).<\/p>\n<p>Qormadaan waxay iftiiminayaa sida isbeddelka cimilada u saameeyay Soomaaliya, sida ay inoo sheegayn khubaro kala duwan ee ku fooggan Arrimaha Cimiladda, dadaallada ay wadaan hay\u2019adaha iyo xalka loo baahan yahay si bulshada Soomaaliyeed ay ula qabsato xaaladaha Cimilada (Climate action).<\/p>\n<p>Soomaaliya waxaa ku sii kordhaya abaaraha daba dheeraaday iyo roobab aan la saadaalin karin. Waxaana la xaqiijiyay in dad badan ay ku khasbanaadeen inay barakacaan kadib markii ay lumiyeen xoolohoodii, beerahoodii, iyo wax walba oo ay nolol ku taagnayeen.<\/p>\n<p>\u201cRoobku markuu ka baaqdo, noloshii way istaagtaa,\u201d ayuu yiri Maxamed Faarax, oo beeraley ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>Haddaba maxaa sababa fatahaadaha Soo noqnoqda?<\/p>\n<p>Fatahaadaha joogtada ah ee webiyada Jubba iyo Shabelle waxay sidoo kale galaaftay naf iyo maal badan, iyadoo sameeyay deegaanno hoostaga magaalooyinka Baladweynee, Jowhar iyo Baardheere<\/p>\n<p>Digniin Hore ee Qaran&#8221;waa in si siman loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed si ay uga hortagaan khataraha degdegga ah iyo masiibooyinka dabiiciga ah sida: Abaaraha, Roobabka babeylaha wata, Fatahaada iyo Dhul-gariirka\u201d<\/p>\n<p>Agaasimaha Khadar Maxamed oo ah Agaasiamah Maareynta Masiibooyinka (DRM) Ee Hay\u201dadda SoDMA ayaa sheegay in digniinaha hore ee qaran aysan dadka wali sida ugu wanaaagsan aysan u fahamin.<\/p>\n<p>\u201cBulshada Soomaaliyeed inta badan waa isku daynaa inaa gaarsiinno, anaga oo marsiinayo qeynaha kala duwan ee muhiimka ah, waxaana gaarsiinaa Xoola dhaqatada, Beerlayda iyo dadka ku nool wabiga jiinkiisa, balse dadka inta badan kuwa ka dhaga adeego ayaa jiro, waxaana ka dhasha qasaaro isugu jiro naf iyo hanti-ba\u201d Ayuu yari Khadar Maxamed.<\/p>\n<p>Khadar waxaa kale oo uu sheegay in dalka oo dhan aysan gaarsiin karin digniinaha tasoo ku sababay qodobo dhowr ah oo ay kamid yahiin dhaqaalaha oo xadidan iyo Awooada shaqaalaha iyo Xarumaha oo la gaarsiiyo waa sababta wali Sannadkii hore tiro badan oo qasaaraha ah ay ka dhasheen saameynta isbadalka Cimillada ee ugu wayn tahay Abaaraha Iyo Fatahaada.<\/p>\n<p>Saameyn nuucee ah ayee u saameysay Beerlayda.<\/p>\n<p>Mudane Mohamud Mohamed Isse, Agaasimaha Waaxda Waraabka, Isticmaalka Dhulka Iyo Saadaasha ayaa dhankiisa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay sida ay u saamaysay Isbdalka Cimillada Sannadkii hore.<\/p>\n<p>\u201cSanadkii 2024, beeraleyda Soomaaliyeed waxay wajaheen caqabado isbiirsaday oo ka dhashay labadii xilli roobaad. Xilligii Gu\u2019ga, roobab xoog leh ayaa ka da\u2019ay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan hareeraha webiyada Shabeelle iyo Juba, halkaasoo fatahaado kadhashay ay sababeen barakaca kumannaan qoys. Si kastaba ha ahaatee, gobolla dhexe iyo gobolada waqooyi, waxay heleen roobab hooseeya, taasoo keentay hoos udhac dalagyadii la beeray. Xili roobaadka Deyrtii 2024 siokale waxay noqotay mid aad u liidata meelaha qaar, iyadoo roobab goos-goos ah iyo abaaro ay si ba\u2019an u saameeyeen beeraleyda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Labadaas xaaladood waxay sababeen hoos u dhac weyn oo ku yimid wax-soo-saarka, korodh cunto-yari, iyo baahi loo qabo taageero farsamo iyo mid qorsheysan si loo xoojiyo adkeysiga beeraleyda.\u201d<\/p>\n<p>Dr Abdimajid Nuunow Madaxa barnaamiyada La-qabisiga ee Xarunta Cimilada Iyo Ilaalinta Deegaanka ee Urur Gobaleeedka IGAD, ayaa tilmaamay dadaallada heer gobol iyo heer qaran oo ay wadaan IGAD iyo dowladda Soomaaliya uu sheegay in ay ka taageereen Arrimo ay ka mid yahiin Dajinta Siyaasadaha, Awooda dhismaha Shaqalaha iyo Hay\u201dadaha dowladda. \u201cWaxaan aragnaa in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin muhiim ah qaaday cimilada , sida diyaarinta qorshaha la-qabsiga cimilada (NAP), ilaalinta kaymaha, iyo Maalin-galinta NDC 3, ay u baahan tahay dhaqaale fara-badan Soomaalina dabooli karto, marka waxaa ka IGAD ahaan ballanqaadanynaa inaa ka taageero sidii madalada waa wayn Afrika Iyo Caalamka in codkeena garab kusiino si wax looga qabto Soomaali ahaan,\u201d Cabdimajid Nurow Abdi<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa uu xusay in IGAD ay si wayn ugu shaqaysay in bulshooyinka Gobalka ku nool in ay ka faaa\u201diideystaan daaqsinka Iyo waraabka Xoolaha ay wadaagan bulshada xudadaha, taaasina waxaa inuu sahashay taageerida Siyaasadeed ee ku cad Istaraajiyadda IGAD, \u201cIGAD ahaan waxaan xal u helnay in xoolaha Soomaaliya ka tago ay ku deeqsadaan xiliyada abaaraha dhacaa in ay ka gudbaan xaduudaha, kuwaasi ka faa\u201diideysto laguna arko Itoobiya, Kenya, waana iskaashiga cusub ee IGAD diyaarisay\u201d Mudane Nunow.<\/p>\n<p>Xalalka muhiimka ay in la xaqiijiyo<\/p>\n<p>Waxaa jira fursado badan oo Soomaaliya ay kaga bixi karto dhibaatada cimilada, haddii la isku xiro dadaalka bulshada, dowladda, iyo hay\u2019adaha deegaanka, Dhir-beerin Qaran \u2013 Dib u beerista dhul-beereedyo iyo kaymo la jaray, Tamarta La Cusboonaysiin Karo \u2013 Solar, wind, iyo biogas si loo yareeyo jarista dhirta, Keydinta Biyaha \u2013 Dhisidda biyo-xireenno, ceelal waara, iyo hannaanka kaydinta biyaha roobka, Wacyigelin Bulsho \u2013 Si gaar ah loogu beego dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha deegaanka. Digniino Hore oo Casri ah \u2013 Teknoolojiyad u sahleysa dadka in ay ka hortagaan masiibooyinka sida fatahaadaha iyo abaaraha.<\/p>\n<p>Gabagabo<\/p>\n<p>Dhibaatooyinka ka dhasha Cimilada Soomaaliya ma ahan kuwa lagu xallin karo mustaqbalka dhow. Waa xaalad degdeg ah oo u baahan ficil iyo waxqabad joogto ah, kana kooban siyaasado qorshe ku dhisan, iyo wada shaqeyn u dhexeysa dowladda, bulshada, hay\u2019adaha kala duwab iyo warbaahinta madaxabannaan.<\/p>\n<p>Xal waara oo loo helo cimilada Soomalaiya waa inaan u diyaargaroobnaa maanta si aan berri ugu noolaanno nolol ammaan ah.<\/p>\n<p><strong>Dhammaad<\/strong><\/p>\n<p><strong>W\/Q: Abdirashid Nur Ibrahim , Communication &amp; journalist climate.<\/strong><br \/>\n<strong>Email:-Cabdirashiid88@gmail.com<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Diignaha hore, iyo Xalka. Horudhac. Isbeddelka cimilada waa caqabad dhab ah oo si toos ah u taabanaysa Soomaaliya. Waa dal wali kasoo kabanaya burburkii siyaasadeed iyo dhaqaale isla markaana wajahaya dhibaatooyin kasii daran oo ka dhashay isbedelka cimilada. Waxaa kamid ah abaaro soo noqnoqda, fatahaado, dhir la\u2019aan, iyo barakac baahsan oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":541299,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-541298","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541298","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=541298"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541298\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":541307,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541298\/revisions\/541307"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/541299"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=541298"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=541298"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=541298"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}