{"id":541118,"date":"2025-07-22T09:19:34","date_gmt":"2025-07-22T06:19:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=541118"},"modified":"2025-07-22T09:19:34","modified_gmt":"2025-07-22T06:19:34","slug":"wasiirka-arrimaha-dibadda-xfs-oo-ugu-baaqay-qurbajoogta-in-ay-taageeraan-ciidamada-qalabka-sida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-arrimaha-dibadda-xfs-oo-ugu-baaqay-qurbajoogta-in-ay-taageeraan-ciidamada-qalabka-sida\/","title":{"rendered":"Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay qaadanayeen soddonkii sano ee la soo dhaafay.<\/p>\n<p>Wasiirka oo hadal ka jeediyay xalay munaasad ay abaabushay waaxda qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ayaa dib u milicsaday dhibaatadii ka dhalatay burburkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991-kii.<\/p>\n<p>Wuxuu bogaadiyay wasiirku taageerada muuqata ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku garab-istaageen dalka iyo dadka xilligii adkaa ee dagaalada , barakaca iyo abaaraha, isaga oo xusay garab-istaaggooda dalka muddadii 35-sano.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa daaha ka qaaday in Wasaaraddiisu ay ku guda-jirto dhisidda dhismo ballaaran oo u gaar ah arrimaha qurbajoogta oo la filayo inuu ku soo dhammaado muddo shan bil gudahooda, martigelin doonana shirarka rasmiga ah, munaasabadaha iyo barnaamijyada qurbajoogta.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa xusay in ay qorshaynayaan qabanqaabada hindiseyaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin shirka sannadlaha ah ee maalgashiga qurba-joogta iyo shirka \u201cHabeenka Qurbajoogga\u201d oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirrada iyo sare-u-qaadidda wada-shaqaynta.<\/p>\n<p>Wasiirku ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay kaalinta lama-huraanka ah ee qurba-joogta ay ku leeyihiin taakuleynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, isagoo sheegay in taageeriddooda amniga qaranka ay la mid tahay taageerada ay u hayaan qoysaskooda, ayna weli lagama maarmaan u tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay qaadanayeen soddonkii sano ee la soo dhaafay. Wasiirka oo hadal ka jeediyay xalay munaasad ay abaabushay waaxda qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ayaa dib u milicsaday dhibaatadii ka dhalatay burburkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991-kii. Wuxuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":541119,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-541118","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541118","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=541118"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541118\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":541120,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/541118\/revisions\/541120"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/541119"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=541118"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=541118"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=541118"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}