{"id":540965,"date":"2025-07-19T12:50:59","date_gmt":"2025-07-19T09:50:59","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=540965"},"modified":"2025-07-19T12:52:11","modified_gmt":"2025-07-19T09:52:11","slug":"wasiirka-gaashaandhigga-xfs-oo-furay-shirka-wasiirrada-gaashaandhigga-wadamada-xubnaha-ka-ah-ciidanka-heeganka-afrikada-bari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-gaashaandhigga-xfs-oo-furay-shirka-wasiirrada-gaashaandhigga-wadamada-xubnaha-ka-ah-ciidanka-heeganka-afrikada-bari\/","title":{"rendered":"Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta si rasmi ah u furay maalinta shanaad ee Shirka 34-aad ee Hay\u2019adaha Sare ee EASF, oo ka socda magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Wasiir Fiqi oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiyada ka socda dalalka xubnaha ka ah EASF, isagoo uga mahadceliyay doorkooda firfircoon iyo sida ay uga go\u2019an tahay nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga difaaca ee gobolka.<\/p>\n<p>\u201cSharaf weyn bay noo tahay in aan martigelinno shirka sanadlaha ah ee EASF, annagoo guddoon u ah sanadkan. Tani waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga go\u2019an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka Afrikada Bari,\u201d ayuu yiri Wasiir Fiqi.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u dul istaagay caqabadaha amni ee ka jira gobolka \u2014 oo ay ka mid yihiin argagixisada, xagjirnimada, isbeddelka cimilada iyo qalalaasaha siyaasadeed \u2014 isagoo ku baaqay in dalalka xubnaha ah ay si wadajir ah uga jawaabaan khatarahaas iyagoo mideysan.<\/p>\n<p>Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Wasiirka ayaa caddeeyay kalsoonida uu ku qabo talooyinka kasoo baxay shirarkii hore ee khubarada iyo taliyeyaasha, wuxuuna xusay in shirkan maanta uu fursad yahay lagu ansixinayo qorshayaal muhiim u ah mustaqbalka EASF.<\/p>\n<p>Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Xoghaynta EASF iyo waddamada xubnaha ka ah dadaalkooda joogtada ah, isagoo rajo ballaaran ka muujiyay in shirka Muqdisho uu noqon doono mid lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda guud ee gobolka Afrikada Bari.<br \/>\nSidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay dowladaha xubnaha ka ah AUSSOM oo si hagar la\u2019aan ah u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee lasoo dhaafay. Waxa uu xusay in dadaalladaasi ay horseedeen miro-dhal muuqda oo dhanka nabadeynta ah, taas oo marag u ah in iskaashiga dhab ah uu keeni karo guulo la taaban karo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta si rasmi ah u furay maalinta shanaad ee Shirka 34-aad ee Hay\u2019adaha Sare ee EASF, oo ka socda magaalada Muqdisho. Wasiir Fiqi oo khudbad muhiim ah ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":540957,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-540965","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540965","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=540965"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540965\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":540967,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540965\/revisions\/540967"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/540957"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=540965"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=540965"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=540965"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}