{"id":540503,"date":"2025-07-10T16:08:52","date_gmt":"2025-07-10T13:08:52","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=540503"},"modified":"2025-07-10T16:10:43","modified_gmt":"2025-07-10T13:10:43","slug":"wasaaradda-waxbarashada-oo-bogaadisay-ansaxinta-xubnaha-guddiga-tacliinta-sare-ee-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-waxbarashada-oo-bogaadisay-ansaxinta-xubnaha-guddiga-tacliinta-sare-ee-qaranka\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Waxbarashada oo bogaadisay ansaxinta xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka"},"content":{"rendered":"<p>\ud835\udde0\ud835\ude02\ud835\uddfe\ud835\uddf1\ud835\uddf6\ud835\ude00\ud835\uddf5\ud835\uddfc(SONNA):- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay si weyn u bogaadinaysaa ansaxinta Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ansaxiyay Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka. Guddigan oo xeer ahaan ku dhisan Sharciga Tacliinta Sare \ud835\udddf\ud835\uddff.\ud835\udfef\ud835\udfec ee Qaranka ee soo baxay Disember 2024kii, waxa ay hawshiisu tahay in uu hoggaamiyo, maamulo, islamarkaana hago Hay\u2019adaha Tacliinta Sare ee dalka, si waafaqsan Sharciga Tacliinta Sare.<\/p>\n<p>Geeddisocodka xulista xubnaha Guddiga ayaa soo maray heerar kala duwan. Mas\u2019uuliyiinta loo xilsaaray xulista Guddiga oo ka ambaqaadaya shuruudaha iyo halbeegyada sharciyeed ee loo dajiyay xubinnimada Guddiga, ayaa si hufnaan, caddaalad iyo madaxbannaani leh u eegay dhammaan codsiyadii la soo diray, iyada oo si gaar ah ay diiradda u saarayeen aqoonta, kartida iyo waaya-aragnimada musharixiintii soo dalbaday kamidnoqoshada xubnaha Guddiga.<\/p>\n<p>Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay hay\u2019adaha tacliinta sare ee dalka, Guddigan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doona habsami-u-maamulidda, hagidda iyo horumarinta tacliinta sare ee dalka. Unkidda Guddigan waxa uu sare u qaadayaa martabadda tacliinta sare ee dalka; waxaana uu islamar-ahaantaa aqoonsi caalami ah siinayaa hay\u2019adaha tacliinta sare.<\/p>\n<p>Ugu dambeeyntii, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay u hambalyeyneysaa xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, waxaana ay u rajeyneysaa in ay ku guuleeystaan mas\u2019uuliyadda culus ee loo igmaday.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-540505 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/FB_IMG_1752152993703.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1344\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/FB_IMG_1752152993703.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/FB_IMG_1752152993703-300x197.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/FB_IMG_1752152993703-1024x672.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/FB_IMG_1752152993703-768x504.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/FB_IMG_1752152993703-1536x1008.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/FB_IMG_1752152993703-860x564.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\ud835\udde0\ud835\ude02\ud835\uddfe\ud835\uddf1\ud835\uddf6\ud835\ude00\ud835\uddf5\ud835\uddfc(SONNA):- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay si weyn u bogaadinaysaa ansaxinta Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ansaxiyay Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka. Guddigan oo xeer ahaan ku dhisan Sharciga Tacliinta Sare \ud835\udddf\ud835\uddff.\ud835\udfef\ud835\udfec ee Qaranka ee soo baxay Disember 2024kii, waxa ay hawshiisu tahay in uu hoggaamiyo, maamulo, islamarkaana hago Hay\u2019adaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":523051,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-540503","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540503","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=540503"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540503\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":540506,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540503\/revisions\/540506"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/523051"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=540503"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=540503"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=540503"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}