{"id":540493,"date":"2025-07-10T13:36:49","date_gmt":"2025-07-10T10:36:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=540493"},"modified":"2025-07-10T13:36:49","modified_gmt":"2025-07-10T10:36:49","slug":"soomaaliya-iyo-turkiga-oo-kala-saxiixday-heshiis-ku-aaddan-hantidhowrka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-iyo-turkiga-oo-kala-saxiixday-heshiis-ku-aaddan-hantidhowrka\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku aaddan hantidhowrka"},"content":{"rendered":"<p>Ankara-(SONNA)-Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha kala ah:<\/p>\n<p>1. Is-dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xiriirta manhajka iyo habraacyada fulinta hantidhowris madaxbannaan, iyo korjoogteynta hannaanka maareynta maaliyadda guud ee qaranka, iyadoo hay\u2019ad walba ay raacayso sharciyada iyo xeerarka u degsan dalkeeda.<\/p>\n<p>2. Wadaagga waayo-aragnimada la xiriirta baarisyada waxqabadka, u hoggaansanaanta sharciga, nidaamyada macluumaadka tiknoolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.<\/p>\n<p>3. Wada-fulinta cilmi-baarisyo ku saabsan horumarinta xirfadaha hantidhowrka iyo tayeynta hantidhowrayaasha.<\/p>\n<p>4. Suuragelinta waxbarashada heerarka Master\u2019s iyo PhD ee la xiriira sharciyada, dembiyada maaliyadeed, caddaaladda dembiyada, IT-ga, xisaabaadka, dhaqaalaha, tirakoobka, baarista waxsoosaarka khayraadka iyo warbixinta miisaaniyadda.<\/p>\n<p>5. Taageeridda horumarinta unugyada baarista waxsoosaarka khayraadka, dabagalka warbixinnada iyo talo-soojeedinta hantidhowrka, isku xirka hay\u2019adaha hantidhowrista iyo xoojinta fahamka waxtarka mabda\u2019a hantidhowrista.<\/p>\n<p>Hantidhowrayaasha Guud ee Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Axmed Guutaale iyo dhiggiisa Mudane Metin Yener, ayaa madasha saxiixa heshiiska ka muujiyay sida ay uga go\u2019an tahay wadashaqeyn waxtar leh iyo dhaqangelinta heshiiskan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ankara-(SONNA)-Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha kala ah: 1. Is-dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xiriirta manhajka iyo habraacyada fulinta hantidhowris madaxbannaan, iyo korjoogteynta hannaanka maareynta maaliyadda guud ee qaranka, iyadoo hay\u2019ad walba ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":540494,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-540493","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540493","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=540493"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540493\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":540495,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540493\/revisions\/540495"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/540494"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=540493"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=540493"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=540493"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}