{"id":540425,"date":"2025-07-09T18:59:33","date_gmt":"2025-07-09T15:59:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=540425"},"modified":"2025-07-09T18:59:33","modified_gmt":"2025-07-09T15:59:33","slug":"guddoomiyaha-gobolka-banaadir-oo-qaabilay-danjiraha-imaaraadka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiyaha-gobolka-banaadir-oo-qaabilay-danjiraha-imaaraadka\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay danjiraha Imaaraadka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka Dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Jumca Alromithi, iyagoona ka wada hadlay taageeridda dadaallada Maamulka Gobolku uu ugu jiro dib-u-dhiska, bilic-soo-celinta iyo horumarinta caasimadda.<\/p>\n<p>Guddoomiye Muungaab oo ka mahadnaqay taageerada hagar-la\u2019aanta ah ee ay Dawladda Imaaraadku siiso Soomaaliya, ayaa waxa uu Safiirka la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ay ka mid tahay dhismaha iyo dayactirka waddooyinka, hirgelinta bullaacadaha si loo maareeyo caqabadda daadadka xilli-roobaadyada, iyo arrimaha kale ee isugu jira horumarinta waxbarashada, caafimaadka, nadaafadda iyo amniga.<\/p>\n<p>Safiirka Imaaraadka, danjire Alromithi ayaa dhankiisa ballanqaaday fududeynta sidii loo hirgelin lahaa mashaariic waxtar u leh dhinacyada taabanaya baahida gaarka ah ee ka jirta caasimadda, isaga oo intaas ku daray in ay ku dadaali doonaan sidii loo suurtogelin lahaa isdhaafsiga booqasho khibrad-wadaag ah oo dhex mara maamullada caasimadda Muqdisho iyo Abu Dhabi, si sare loogu qaado aqoonta, karaanka iyo agabka muhiimka u ah u-adeegista bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-540426\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0005.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"682\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0005.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0005-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0005-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0005-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0005-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0005-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0005-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-540427\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0004.jpg 1440w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-540428\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0003-1024x967.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"967\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0003-1024x967.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0003-300x283.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0003-768x725.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0003-860x812.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/IMG-20250709-WA0003.jpg 1440w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka Dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Jumca Alromithi, iyagoona ka wada hadlay taageeridda dadaallada Maamulka Gobolku uu ugu jiro dib-u-dhiska, bilic-soo-celinta iyo horumarinta caasimadda. Guddoomiye Muungaab oo ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":540428,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-540425","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540425","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=540425"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540425\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":540429,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540425\/revisions\/540429"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/540428"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=540425"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=540425"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=540425"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}