{"id":540403,"date":"2025-07-09T14:24:21","date_gmt":"2025-07-09T11:24:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=540403"},"modified":"2025-07-09T14:30:07","modified_gmt":"2025-07-09T11:30:07","slug":"raiisul-wasaaraha-xjfs-oo-ka-qeyb-galay-shir-cilmiyeedka-3-aad-ee-madasha-horumarinta-bariga-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaaraha-xjfs-oo-ka-qeyb-galay-shir-cilmiyeedka-3-aad-ee-madasha-horumarinta-bariga-afrika\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, ayaa sheegay in Qaran-dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey\u2019adaha, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo qoryashaal cad cad oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dalkeenna loo jiheeyay dhanka horumarka iyada oo lagu salaynayo cilmi baarisyo, kuwaas oo lagu qeexay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyo Qorshaha Hiigsiga (2060, iyo NTP-2025 2029) ee la doonayo in horumar muuqda lagu gaarsiiyo dalkeenna.<\/p>\n<p>Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Aqoonyahanka Soomaaliyeed looga baahan yahay samaynta cilmi-baaris la xiriirta yareynta saboolnimada, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, iyo istaraatiijiyadaha lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Soomaaliyeed waxa ay la timid aragti Qaran oo ku saleysan Cilmi-baarisyo waaweyn oo lagu saleeyay Qorshaha Qaranka ee sannadaha soo socda, sidaas darteed Aqoonyahanka iyo Haldoorka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan sahanka u maqan dalkeenna iyo halka aynu berri degi doonno\u201d Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaruhu.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha, ayaa xusay in hadda ay xaqiiqo tahay waxa uu dalkeennu u baahan yahay sidaas darteed dowladdu ay u sahmisay istaraatiijiyad cad, iyada oo laga faa\u2019iideysanayo Khayraadka dabiiciga iyo tan ugu muhiimsan oo ah awoodda shacabkeenna dhallinyarada u badan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, ayaa sheegay in Qaran-dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey\u2019adaha, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo qoryashaal cad cad oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo. Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dalkeenna loo jiheeyay dhanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":540407,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-540403","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540403","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=540403"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540403\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":540406,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/540403\/revisions\/540406"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/540407"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=540403"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=540403"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=540403"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}