{"id":539992,"date":"2025-07-02T13:57:49","date_gmt":"2025-07-02T10:57:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=539992"},"modified":"2025-07-02T13:58:31","modified_gmt":"2025-07-02T10:58:31","slug":"dabaaldegga-maalmaha-xoriyadda-oo-lagu-qabtay-hindiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dabaaldegga-maalmaha-xoriyadda-oo-lagu-qabtay-hindiya\/","title":{"rendered":"Dabaaldegga maalmaha xoriyadda oo lagu qabtay Hindiya"},"content":{"rendered":"<p>New Delhi-(SONNA)-Safaaradda JFS ee Hindiya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda New Delhi ayaa soo qaban-qaabisay munaasabad lagu xusaayey Usbuuca Xorriyadda iyo Midowga Qaranka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Munaasabadan oo ka qabsoontay Huteelka Saket 27, habeenkii 1-da Luulyo ayaa ahayd horreysay ee noocan oo kale ah oo dalka Hindiya, gaar ahaan magaaladda New Delhi lagu qabto.<\/p>\n<p>Waxaana ka soo qayb galey, diblomaasiyiin, ganacsato, madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee New Delhi, xubno ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mida Saaxiibadda Soomaaliya ee Hindia .<\/p>\n<p>Waxaa si doo kale xafladda ka soo qaybgaley Dhakhaatiir ka socday Usbutaaladda waawayn ee u adeega Soomaalidda caafimaadka u timaadda New Delhi.<\/p>\n<p>Danjire Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay, taariikhda halganka, midowga iyo dawlad dhiska Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu ku nuux-nuux sadey in 65-sanno ee Soomaaliya ahayd dawlad madaxbanaan , ay tahay mudo dheer oo u baahan in wax laga barto.<\/p>\n<p>Wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney midoobaan , iskuna tashadaan mee kasta oo ay joogaan.<\/p>\n<p>Xubno ka midda Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa soo ban dhigay heeso wadani iyo ciyaaraha dhaqanka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ugu danbayntii Danjiraha ayaa shahaadooyin mahadnaq gudoonsiiyey qaar ka mida Diblomaasiyiinta, Madaxda Jaaliyadda iyo Saaxiibadda Soomaaliya doorkii ay ku lahaayeen qaban-qaabadda Xafladda 65-naad ee ka soo wareegtay Maalmihii Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>New Delhi-(SONNA)-Safaaradda JFS ee Hindiya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda New Delhi ayaa soo qaban-qaabisay munaasabad lagu xusaayey Usbuuca Xorriyadda iyo Midowga Qaranka Soomaaliya. Munaasabadan oo ka qabsoontay Huteelka Saket 27, habeenkii 1-da Luulyo ayaa ahayd horreysay ee noocan oo kale ah oo dalka Hindiya, gaar ahaan magaaladda New Delhi lagu qabto. Waxaana ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":539993,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-539992","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539992","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=539992"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539992\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":539995,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539992\/revisions\/539995"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/539993"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=539992"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=539992"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=539992"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}