{"id":539937,"date":"2025-07-02T07:15:02","date_gmt":"2025-07-02T04:15:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=539937"},"modified":"2025-07-02T07:15:02","modified_gmt":"2025-07-02T04:15:02","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-soo-xiray-munaasabadda-65-guurada-ee-todobaadka-xorriyadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-soo-xiray-munaasabadda-65-guurada-ee-todobaadka-xorriyadda\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY MUNAASABADDA 65-GUURADA EE TODOBAADKA XORRIYADDA"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si rasmi ah u soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo munaasabadda xiritaanka kaga qeyb-galay Xarunta Golaha Xukuumadda ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha badan ee 1-da Luulyo, isagoo ku bogaadiyay sida wadaninimada leh ee ay shacabka iyo qurba-joogtu ay u xuseen sannadkan.<\/p>\n<p>\u201cXuska Todobaadka Xorriyadda waa maalmo aan dib ugu jaleecno halka uu hayaankeenu ka soo bilowday, jidka dheer ee aan soo marnay, iyo himilada aan hiigsanayno. Waa waajib qaran in la xasuusto halgankii sharafta lahaa ee horseeday xornimada, midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ay ka go\u2019an tahay xoojinta midnimada dalka, dib u heshiisiinta iyo dhammeystirka hannaanka dowlad-dhiska, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo walaalaha Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan, loogana wada shaqeeyo xal u helidda arrimaha taagan, si aynu u xaqiijino dareenkeenna walaaltinimo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shacabka ku boorriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana ay garab istaagaan dowladda dadaalka ay ugu jirto sugidda amniga, xoreynta dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta iyo gaarsiinta dalka doorasho toos ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si rasmi ah u soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda. Madaxweynaha oo munaasabadda xiritaanka kaga qeyb-galay Xarunta Golaha Xukuumadda ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":539938,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-539937","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539937","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=539937"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539937\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":539939,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539937\/revisions\/539939"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/539938"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=539937"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=539937"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=539937"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}