{"id":539817,"date":"2025-06-30T13:09:35","date_gmt":"2025-06-30T10:09:35","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=539817"},"modified":"2025-06-30T13:09:35","modified_gmt":"2025-06-30T10:09:35","slug":"madaxweynaha-oo-magacaabey-maareeyaha-guud-ee-wakaaladda-madbacadda-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-oo-magacaabey-maareeyaha-guud-ee-wakaaladda-madbacadda-qaranka\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska.<\/p>\n<p>Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hay\u2019adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelinteeda waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha la xiriira daabacaadda dukumentiyada kala duwan ee dowladda iyo hawlaha kale ee muhiimka ah ee dalka looga baahan yahay.<\/p>\n<p>Waxaa markii ugu horeysay ay Wakaaladda Madbacadad Qaranka hawlgashey sannadkii 1971-kii, iyadoo door weyn ka cayaartey ka haqabtirka dowladda iyo hay\u2019adaha kala duwan ee dalka ka jiray dhanka arrimaha daabacadda.<\/p>\n<p>Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa saameeyay wakaaladda oo ka mid noqotey hay\u2019adihii ku burburay colaadihii jiray.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska. Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hay\u2019adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelinteeda waxaa la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":539818,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-539817","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539817","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=539817"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539817\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":539819,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539817\/revisions\/539819"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/539818"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=539817"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=539817"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=539817"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}