{"id":539361,"date":"2025-06-22T12:04:36","date_gmt":"2025-06-22T09:04:36","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=539361"},"modified":"2025-06-22T13:47:38","modified_gmt":"2025-06-22T10:47:38","slug":"wasiirka-arrimaha-gudaha-xfs-oo-si-rasmi-ah-u-furay-kulanka-isu-duwidda-dowladaha-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-arrimaha-gudaha-xfs-oo-si-rasmi-ah-u-furay-kulanka-isu-duwidda-dowladaha-hoose\/","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose"},"content":{"rendered":"<p>Muqdiaho(SONNA):Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.<\/p>\n<p>Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha Dowladaha Hoose, isagoo yiri\u201d Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cKulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga go\u2019antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hay\u2019adda dowladeed ee ugu dhow shacabka \u201cayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cali Xoosh<\/p>\n<p>Kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Hay\u2019adaha ka shaqeeya arrimaha Dowladaha Hoose.<\/p>\n<p>Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka go\u2019an daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-539364\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250622-WA0001-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250622-WA0001-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250622-WA0001-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250622-WA0001-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250622-WA0001-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250622-WA0001-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250622-WA0001-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250622-WA0001.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdiaho(SONNA):Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose. Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha Dowladaha Hoose, isagoo yiri\u201d Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":539362,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-539361","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539361","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=539361"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539361\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":539371,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539361\/revisions\/539371"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/539362"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=539361"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=539361"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=539361"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}