{"id":539099,"date":"2025-06-17T19:59:49","date_gmt":"2025-06-17T16:59:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=539099"},"modified":"2025-06-17T19:59:49","modified_gmt":"2025-06-17T16:59:49","slug":"wasiirka-hawlaha-guud-oo-la-kulmay-danjirayaasha-talyaaniga-iyo-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-hawlaha-guud-oo-la-kulmay-danjirayaasha-talyaaniga-iyo-turkiga\/","title":{"rendered":"Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Akta\u015f, iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga, Mudane Pier Mario Dacc\u00f2 Coppi.<\/p>\n<p>Kulamadan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda iyo Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska, iyo horumarinta magaalooyinka dalka.<\/p>\n<p>Intii uu socday kulanka Wasiirka iyo Danjiraha Talyaaniga, labada dhinac waxay si gaar ah uga wadahadleen dardargelinta mashruuca dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xarunta Gahayr, oo ah mid mudnaan gaar ah leh.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wasiir Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa si diirran u soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Safiir Alper Akta\u015f ayaa isna dhankiisa caddeeyay sida ay uga go\u2019an tahay xoojinta wada-shaqeynta laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.<\/p>\n<p>Kulamadan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo dadaallada horumarineed.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-539100\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0019.jpg\" alt=\"\" width=\"870\" height=\"580\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0019.jpg 870w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0019-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0019-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0019-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0019-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0019-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0019-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 870px) 100vw, 870px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-539101\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0018-1024x970.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"970\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0018-1024x970.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0018-300x284.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0018-768x727.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0018-860x815.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/IMG-20250617-WA0018.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Akta\u015f, iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga, Mudane Pier Mario Dacc\u00f2 Coppi. Kulamadan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda iyo Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":539101,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-539099","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539099","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=539099"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539099\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":539102,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539099\/revisions\/539102"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/539101"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=539099"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=539099"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=539099"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}