{"id":539091,"date":"2025-06-17T15:53:07","date_gmt":"2025-06-17T12:53:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=539091"},"modified":"2025-06-17T15:53:07","modified_gmt":"2025-06-17T12:53:07","slug":"wasiirka-amniga-oo-furay-kulan-looga-hadlayo-horumarinta-booliska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-amniga-oo-furay-kulan-looga-hadlayo-horumarinta-booliska\/","title":{"rendered":"Wasiirka Amniga oo furay kulan looga hadlayo horumarinta booliska"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wakiilka Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Lionel Laurens, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga Hagista ee Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah Marxaladdiisa Labaad (JPP II) oo ka dhacay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qayb galay mas\u2019uuliyiin sare oo ka kala socday dowlad goboleedyada, Taliye Ku-xigeenka Booliiska Federaalka, wakiillo ka socday Midowga Yurub (EU), Boqortooyada Ingiriiska (UK), howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), khubaro ku takhasustay dib-u-habaynta booliiska iyo saaxiibbo caalami ah oo muhiim ah.<\/p>\n<p>Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo Safaaradda UK ee muqdisho ayaa ah hindise muhiim ah oo lagu dhisayo booliis xirfad leh, bulshada u adeegaya, kuna dhisan mabaadi\u2019da sinnaanta iyo ka-qaybgalka bulshada, gaar ahaan haweenka.<\/p>\n<p>Barnaamijkan ayaa sidoo kale xoogga saaraya kor u qaadidda adeegyada amniga iyo xoojinta sharciga dalka.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, guddiga hagista ayaa si rasmi ah u ansixiyay qorshaha shaqo iyo miisaaniyadda la cusbooneysiiyay ee sanadka 2025, taasoo astaan u ah horumar weyn oo laga gaaray dedaallada qaran ee lagu xoojinayo hay\u2019adaha amniga, iyadoo la adeegsanayo taageero isku-dhafan oo heer federaal iyo caalami ah.<\/p>\n<p>Barnaamijka JPP ayaa weli ah tiir muhiim u ah dib-u-habaynta hay\u2019adaha amniga ee Soomaaliya, waxaana uu si buuxda ula jaanqaadayaa himillooyinka qaran ee xasilloonida, wada-shaqeynta federaalka iyo dhismaha nabad waarta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wakiilka Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Lionel Laurens, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga Hagista ee Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah Marxaladdiisa Labaad (JPP II) oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qayb galay mas\u2019uuliyiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":539092,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-539091","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539091","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=539091"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539091\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":539093,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539091\/revisions\/539093"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/539092"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=539091"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=539091"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=539091"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}