{"id":539054,"date":"2025-06-16T23:02:28","date_gmt":"2025-06-16T20:02:28","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=539054"},"modified":"2025-06-16T23:02:28","modified_gmt":"2025-06-16T20:02:28","slug":"wasaaradda-kaluumaysiga-oo-heshiis-horumarineed-la-gaartay-shirkadda-oyak-ee-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-kaluumaysiga-oo-heshiis-horumarineed-la-gaartay-shirkadda-oyak-ee-turkiga\/","title":{"rendered":"Wasaaradda kaluumaysiga oo heshiis horumarineed la gaartay shirkadda OYAK ee Turkiga"},"content":{"rendered":"<p>Ankara (SONNA): Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee JFS iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiiska horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya. Heshiiskan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya. Waxa uu diiradda saaraya dhowr qodob oo istaraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:<\/p>\n<p>1.Maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabeyaasha kalluumeysiga<\/p>\n<p>2. Kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka,<\/p>\n<p>3.Tayeynta kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah,<\/p>\n<p>4.Dhisidda warshadaha kalluumeysiga si kor loogu qaado kalluunka ka dhoofaya dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada,<\/p>\n<p>5.Hagaajinta nidaamka la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah.<\/p>\n<p>Heshiiskan waxaa dhinaca DFS u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, Mudane Ahmed Hassan Aden, halka dhinaca Shirkadda OYAK uu saxiixay Mudane Sermaye Yat\u0131r\u0131mlar\u0131 Anonim \u015eirketi. Heshiiskan ayaa lagu wadaa inuu si weyn uga qayb qaato kor u qaadista dakhliga ka soo xarooda kheyraadka badda ee Soomaaliya, isla markaana uu hormuud u noqdo shaqo-abuur ballaaran oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa\u2019iideysan doonaan.<\/p>\n<p>Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Soomaaliya waxay si buuxda uga go\u2019an tahay horumarinta kalluumeysiga dalka, iyadoo iskaashi dhow la yeelaneysa shirkadaha caalamiga ah iyo hay\u2019adaha maal-gashiga, si loo gaarsiiyo Soomaaliya horumar iyo barwaaqo dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ankara (SONNA): Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee JFS iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiiska horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya. Heshiiskan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya. Waxa uu diiradda saaraya dhowr qodob oo istaraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1.Maalgashi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":539055,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-539054","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539054","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=539054"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539054\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":539056,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/539054\/revisions\/539056"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/539055"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=539054"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=539054"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=539054"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}