{"id":538748,"date":"2025-06-12T14:06:19","date_gmt":"2025-06-12T11:06:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=538748"},"modified":"2025-06-12T14:08:20","modified_gmt":"2025-06-12T11:08:20","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kormeeray-markabka-oruc-reis-ee-sahminayay-shidaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kormeeray-markabka-oruc-reis-ee-sahminayay-shidaalka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray markabka Oruc Reis ee sahminayay shidaalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka \u201cOruc Reis\u201d oo ku howlanaa baarista shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.<\/p>\n<p>\u201cTani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa&#8217;iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo&#8221;.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka iyada oo loo marayo ka faa\u2019iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.-<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka \u201cOruc Reis\u201d oo ku howlanaa baarista shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":538750,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-538748","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538748","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=538748"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538748\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":538753,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538748\/revisions\/538753"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/538750"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=538748"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=538748"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=538748"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}