{"id":538608,"date":"2025-06-08T17:46:49","date_gmt":"2025-06-08T14:46:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=538608"},"modified":"2025-06-08T18:37:28","modified_gmt":"2025-06-08T15:37:28","slug":"wasiirka-waxbarashada-waxbarashada-xfs-oo-shir-caalami-ah-uga-qeyb-galay-magaalada-paris","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-waxbarashada-waxbarashada-xfs-oo-shir-caalami-ah-uga-qeyb-galay-magaalada-paris\/","title":{"rendered":"Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay\u2019adda Caalamiga ee Iskaashiga Waxbarashada (Global Partnership for Education \u2013 GPE) intii u dhaxaysay 2-5 Juun. Soomaaliya oo ka mid ah 90 ka dal ee iskaashiga la leh hay\u2019addan, ayaa ku matasha Golaheeda Sare 13 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ah.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa lagu falanqeeyay arrimaha hortebinta u leh waxbarashada caalamka iyo sidii hawlaha GPE sare loogu qaadi lahaa. Waxaa lagu gorfeeyay qorshaha shanta sano ee soo socota 2026 \u2013 2030, iyada oo xoogga la saaray arrimaha maaliyadda iyo kaalmooyinka caalamiga ah, xilli ay duruufo culus iyo isbeddello ku yimaadeen deeqaha caalamiga iyo meelaha ay mudnaanta siinayaan deeq-bixiyayaashu. Si loo hormariyo waxbarashada jiilalka cusub, waxaa la isla gartay in horumarinta macallimiinta uu tiir dhexaad u yahay maxsuulka waxbarasho ee ardayda iyo diyaarinta jiilka cusub.<\/p>\n<p>Si looga dabbaasho xaaladaha dhaqaale ee sii adkaanayo, waxaa bahda waxbarashada loogu baaqay in lala yimmaaddo tabo iyo farsamooyin hal-abuur leh oo loogu qareemayo maalgelinta iyo deeq-ku-bixinta horumarinta waxbarashada.<\/p>\n<p>Inkasta oo waxbarashada dalalka saboolka oo Soomaaliya ay ka mid tahay weli hooseeyso, haddana waxaa loo arkaa in dalkeenu uu ka jiro dadaal xoog leh oo ay iskakaashanayaan bulshada iyo dowladda, oo ay kabayaan deeqaha caalamiga ah.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-538609\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1fc7dd8c-5529-4843-b706-d4057d78c88f.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"770\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1fc7dd8c-5529-4843-b706-d4057d78c88f.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1fc7dd8c-5529-4843-b706-d4057d78c88f-300x214.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1fc7dd8c-5529-4843-b706-d4057d78c88f-1024x730.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1fc7dd8c-5529-4843-b706-d4057d78c88f-768x548.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1fc7dd8c-5529-4843-b706-d4057d78c88f-860x613.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-538610\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/f17d2fba-acef-4b75-b21c-e4f3102f15ff.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"775\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/f17d2fba-acef-4b75-b21c-e4f3102f15ff.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/f17d2fba-acef-4b75-b21c-e4f3102f15ff-300x215.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/f17d2fba-acef-4b75-b21c-e4f3102f15ff-1024x735.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/f17d2fba-acef-4b75-b21c-e4f3102f15ff-768x551.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/f17d2fba-acef-4b75-b21c-e4f3102f15ff-860x617.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-538611\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1ba595e2-5c5b-4a6c-bdd3-a0182232eaee.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"777\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1ba595e2-5c5b-4a6c-bdd3-a0182232eaee.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1ba595e2-5c5b-4a6c-bdd3-a0182232eaee-300x216.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1ba595e2-5c5b-4a6c-bdd3-a0182232eaee-1024x737.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1ba595e2-5c5b-4a6c-bdd3-a0182232eaee-768x553.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/06\/1ba595e2-5c5b-4a6c-bdd3-a0182232eaee-860x619.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay\u2019adda Caalamiga ee Iskaashiga Waxbarashada (Global Partnership for Education \u2013 GPE) intii u dhaxaysay 2-5 Juun. Soomaaliya oo ka mid ah 90 ka dal ee iskaashiga la leh hay\u2019addan, ayaa ku matasha Golaheeda Sare [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":538610,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-538608","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538608","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=538608"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538608\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":538615,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538608\/revisions\/538615"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/538610"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=538608"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=538608"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=538608"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}