{"id":538563,"date":"2025-06-06T13:10:50","date_gmt":"2025-06-06T10:10:50","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=538563"},"modified":"2025-06-06T13:10:50","modified_gmt":"2025-06-06T10:10:50","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-89","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-89\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda\u00a0 Federaalka\u00a0 Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isla markaana jeediyay khudbad uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p>2-Madaxweyhe Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka magaalada Muqdisho kala qeyb galey tukashada Salaadda Ciidul Adxa.<\/p>\n<p>3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra\u2019iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore inay ka soo qeyb galaan kulan sare oo wadatashi ah oo magaalada Muqdisho ka dhici doona.<\/p>\n<p>4-Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaan-geliyey.<\/p>\n<p>5-Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Britain u fadhin doona Soomaaliya Danjire Charles King.<\/p>\n<p>6-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa\u00a0 khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdo\u011fan,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga ee ka dhexeeya labada dal.<\/p>\n<p>7-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa<\/p>\n<p>8-Ra\u2019iisul Wasaare\u00a0 Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta ee dalka Djibouti oo ahayd halkii lagu soo\u00a0 dhisay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.<\/p>\n<p>9-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha\u00a0 iyo xaaladda gobolka.<\/p>\n<p>10-Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magaacabista Taliyaha cusub ee Agaasimaha Hey\u2019adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad.<\/p>\n<p>11-\u00a0 Golaha wasiiradda oo yeeshay kulan diiradda lagu saaray qiimeynta amniga dalka iyo diyaar-garowga munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo\u00a0 imtixaanka shahaaddiga ah ee heer qaran.<\/p>\n<p>12-\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah\u00a0 oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>13-\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbeddelka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada\u00a0\u00a0 soo qaban-qaabisay.<\/p>\n<p>14-\u00a0 Wasiirka Gaashaandhigga\u00a0 Axmed Macallin Fiqi\u00a0 ayaa\u00a0 la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga, General Luciano Portolano oo booqasho ku yimid dalka.<\/p>\n<p>15-\u00a0 Dowladda Soomaaliya ayaa markii\u00a0 ugu horraysay ku\u00a0 guuleysatay xubinnimada Golaha Fulinta ee UN-Habitat, taasoo qaabilsan Qorsheynta Magaalooyinka &amp; Maareynta Dhulka iyo Wax kaqabadka Cimilada.<\/p>\n<p>16-\u00a0 Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare\u00a0 Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa\u00a0 dhagax dhigay dugsi waxbarasho oo gaar u ah gabdhaha Soomaaliyeed oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>17-\u00a0 Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta\u00a0 Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa guddoomiyay kulanka guddiga qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada ee sannad guurada\u00a0 65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da July .<\/p>\n<p>18-\u00a0 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaaalada Geneva ee dalka Switzerland , halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Shaqada ee Turkiga Prof. Dr Vedat I\u015f\u0131khan.<\/p>\n<p>19-\u00a0 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yusuf Mohamed\u00a0 Aadan ayaa magaalada Geneva uga qeybgalay\u00a0 Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah oo looga hadlay\u00a0\u00a0 mabaadii\u2019da aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqaalaha<\/p>\n<p>20-\u00a0 Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi\u00a0 Cabdullaahi ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka, Marwo Valentina Matvienkog.<\/p>\n<p>21-\u00a0 Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa kulan gaar ah la yeeshay masuuliyiin\u00a0 ka socotay\u00a0\u00a0 hay\u2019adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday Hay\u2019adda Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).<\/p>\n<p>22-\u00a0 Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo\u00a0\u00a0 Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa si\u2019 wadajir ah u fuliyay laba duqeymo\u00a0 oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta\u00a0 ee Daacish.<\/p>\n<p>23-\u00a0 Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada\u00a0 ayaa ku wareejisay seddax gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah, maamulka caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>24-\u00a0 Wasiirka Maaliyadda\u00a0 Biixi Iimaan Cige\u00a0 ayaa\u00a0 ku guuleeystay\u00a0 abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ee Afrika 2025-KA\u00a0 oo ay bixiso African Leadership Magazine, kaddib, codeyn dhanka online-ka ka dhacday.<\/p>\n<p>25-\u00a0 Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mohamoud Adan Geesood\u00a0 ayaa magaaladda Arusha ee dalka Tanzania ugu\u00a0 qeyb-galay shirka meertada 46-aad ee Golaha\u00a0 Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga ee Ururka Bariga Afrika.<\/p>\n<p>26-\u00a0 Wasiiru Dowlah Beeraha iyo Waraabka\u00a0 Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ka qeyb-galay\u00a0 shirka ( IFAD Innovation Day 2025)\u00a0 uu soo qabanqaabiyeey\u00a0 Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD oo ka dhacay Talyaaniga.<\/p>\n<p>27-\u00a0 Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa\u00a0 warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen.<\/p>\n<p>28-\u00a0 Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka\u00a0 Marwo\u00a0 Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa\u00a0 u\u00a0 furtay Imtixaan\u00a0 qoraal ah xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.<\/p>\n<p>29-\u00a0 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas\u00a0 Odawaa Yuusuf Raage, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Talyaaniga, General Luciano Portolano, oo booqasho rasmi ah ku yimid\u00a0 dalka.<\/p>\n<p>30-\u00a0 Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Xasan Aadan, oo ku kacay falal marin habaabin bulsho iyo sumcad xumeyn uu u geystay Ciidamada Qaranka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isla markaana jeediyay khudbad uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka. 2-Madaxweyhe Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka magaalada Muqdisho kala qeyb galey tukashada Salaadda Ciidul Adxa. 3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":538564,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-538563","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538563","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=538563"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538563\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":538565,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538563\/revisions\/538565"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/538564"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=538563"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=538563"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=538563"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}