{"id":538307,"date":"2025-06-02T08:45:58","date_gmt":"2025-06-02T05:45:58","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=538307"},"modified":"2025-06-02T08:45:58","modified_gmt":"2025-06-02T05:45:58","slug":"duqeymo-cirka-ah-oo-lagu-beegsaday-kooxda-khawaarijta-isis-somalia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/duqeymo-cirka-ah-oo-lagu-beegsaday-kooxda-khawaarijta-isis-somalia\/","title":{"rendered":"Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia"},"content":{"rendered":"<p>War-Saxaafadeed<\/p>\n<p>Muqdisho,(SONNA):-Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia.<\/p>\n<p>Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.<\/p>\n<p>Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Taliska AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go&#8217;an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>War-Saxaafadeed Muqdisho,(SONNA):-Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia. Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":533905,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-538307","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538307","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=538307"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538307\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":538308,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538307\/revisions\/538308"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/533905"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=538307"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=538307"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=538307"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}