{"id":538270,"date":"2025-06-01T11:37:46","date_gmt":"2025-06-01T08:37:46","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=538270"},"modified":"2025-06-01T11:37:46","modified_gmt":"2025-06-01T08:37:46","slug":"wasiirka-kalluumaysiga-iyo-dhaqaalaha-buluug-oo-si-rasmi-ah-u-saxiixay-xeer-nidaamiye-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-kalluumaysiga-iyo-dhaqaalaha-buluug-oo-si-rasmi-ah-u-saxiixay-xeer-nidaamiye-cusub\/","title":{"rendered":"Wasiirka\u00a0Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA (:-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub oo lagu dhisayo hay\u2019ad u gaar ah ilaalinta badqabka kalluunka iyo sugnaanta cuntada ee dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Xeerkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo habraacyada iyo nidaamyada lagu maamulayo kheyraadka kalluunka, si loo hubiyo in kalluunka la helo uu yahay mid tayo leh, caafimaad qaba, islamarkaana ku habboon suuqyada gudaha iyo dibadda. Hay\u2019adan cusub ayaa kaalin mug leh ka qaadan doonta ilaalinta badqabka kalluunka, iyada oo sare u qaadaysa kalsoonida macaamiisha iyo ganacsatada.<\/p>\n<p>Xeerkani wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa suuqgaynta kalluunka Soomaaliyeed, dhoofintiisa, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Soomaaliya oo hodan ku ah khayraadka badda ayaa fursad weyn u leh in ay ka faa\u2019iideysato suuqyada caalamiga ah ee kalluunka, iyadoo hay\u2019ada dhowrista badqabka kalluunka ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta iyo tayeynta dhoofka kalluunka. Tani waxay horseedi doontaa in dhoofka kalluunka uu noqdo mid xeer iyo sharci ku saleysan, laguna kalsoonaan karo, taasoo kor u qaadi doonta sumcadda kalluunka Soomaaliyeed iyo dakhliga laga helo.<\/p>\n<p>Guud ahaan, xeerkan cusub ayaa dhiirrigelinaya kobaca dhaqaalaha dalka ee kasoo xaroon doona dhoofka kalluunka, isagoo abuuraya jawi ganacsi oo sharciyeysan, hufan, isla markaana ilaalinaya badqabka cuntada. Hay\u2019adan dhowrista badqabka kalluunka ayaa sidoo kale la filayaa inay kor u qaado xirfadaha shaqaalaha kalluumaysiga iyo maamulka, isla markaana gacan ka geysato ilaalinta deegaanka badda, si kalluunka Soomaaliyeed uu mustaqbalka u noqdo mid waara oo faa\u2019iido badan u leh bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA (:-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub oo lagu dhisayo hay\u2019ad u gaar ah ilaalinta badqabka kalluunka iyo sugnaanta cuntada ee dalka Soomaaliya. Xeerkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo habraacyada iyo nidaamyada lagu maamulayo kheyraadka kalluunka, si loo hubiyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":538271,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-538270","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538270","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=538270"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538270\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":538272,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538270\/revisions\/538272"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/538271"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=538270"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=538270"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=538270"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}