{"id":538085,"date":"2025-05-29T10:04:10","date_gmt":"2025-05-29T07:04:10","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=538085"},"modified":"2025-05-29T10:04:46","modified_gmt":"2025-05-29T07:04:46","slug":"sodma-iyo-qm-oo-yeeshay-kulan-looga-hadlayay-xaaladaha-biniaadannimo-ee-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/sodma-iyo-qm-oo-yeeshay-kulan-looga-hadlayay-xaaladaha-biniaadannimo-ee-dalka\/","title":{"rendered":"SoDMA iyo QM oo yeeshay kulan looga hadlayay xaaladaha bini\u2019aadannimo ee dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Hay&#8217;adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Muqdisho ku qabatay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani\u2019aadannimo ee dalkeenna, waxaana si wadajir ah u guddoomiyay kulankaan Guddoomiyaha Hay\u2019adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey.<\/p>\n<p>Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxa OCHA Soomaaliya iyo xubno ka socday labada dhinac, iyo khubarrada farsamada ee SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhaqaale ee heysta howlaha gurmadka, gaar ahaan yareynta lacagaha deeq-bixiyaasha iyo baahida loo qabo in dib loogu qiimeeyo howlaha iyo adeegyada hortabinta leh iyo mashaariicda hadda socda.<\/p>\n<p>Labada dhinac ayaa isla gartay in si dhow loo qiimeeyo sidii loo wajihi lahaa arintaan , iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada bani\u2019aadannimo guud ahaan dalka.<\/p>\n<p>SoDMA ayaa markale muujisay sida ay uga go\u2019an tahay in ay la shaqeyso dhammaan bahwadaagta caalamiga ah si loo dhiso nidaam bani\u2019aadannimo oo waxtar leh, lana tacaali kara xaaladaha adag ee bani\u2019aadannimo ee dalkeenna ka jira.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Hay&#8217;adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Muqdisho ku qabatay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani\u2019aadannimo ee dalkeenna, waxaana si wadajir ah u guddoomiyay kulankaan Guddoomiyaha Hay\u2019adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey. Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxa OCHA Soomaaliya iyo xubno ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":538086,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-538085","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538085","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=538085"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538085\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":538088,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538085\/revisions\/538088"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/538086"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=538085"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=538085"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=538085"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}