{"id":538016,"date":"2025-05-28T11:27:00","date_gmt":"2025-05-28T08:27:00","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=538016"},"modified":"2025-05-28T11:28:57","modified_gmt":"2025-05-28T08:28:57","slug":"safarka-dalxiiska-iyo-nabadda-ee-halyeeyada-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/safarka-dalxiiska-iyo-nabadda-ee-halyeeyada-warbixin\/","title":{"rendered":"\u2018Safarka Dalxiiska iyo Nabadda  ee Halyeeyada\u2019 (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Taariikhda dhabta ah ee magaalada Muqdisho, waxaan si qurux badan uga marag furi karnaa Mogadishu Stadium, inuu yahay garoon weyn oo astaan u ahaa Isboortiga Soomaaliyeed, balse mar noqday mid ka mid ah meelaha ay colaadda iyo burburku ugu daran Saameeyeen. Muuqaalka maanta laga arkayo Mogadishu Stadium waa mid gebi ahaanba ka duwan kii, toban ama labaatan sano ka hor. Garoonkii burbursanaa ayaa dib loo dhisay, lana qalabeeyay, waxaana loo rogay xaruun isboorti oo heer caalami ah. Ma aha kaliya meel lagu ciyaaro kubadda cagta, balse waa astaanta cusub ee nabadda, horumarka iyo kalsoonida ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan dalkooda.<\/p>\n<p>Bishaan May,\u00a0 27, 2025-ka, oo aheyd shalay Muqdisho waxay martigelisay ciyaartoy caalami ah oo magac iyo maamuus ku leh dunida. Xiddigaha reer Afrika sida Samuel Eto\u2019o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo dhammaantood u soo ciyaaray kooxaha ugu waa weyn kubadda cagta sida Barcelona, Real Madrid, Chelsea, Arsenal, iyo Manchester City, ayaa cagta dhigay Garoonkaasi. Muuqaalkaasi waa kuwo taariikhi ah, dareen gaar ahna u leh kumannaan qof oo Muqdisho ku noolaa xilliyadii dagaallada iyo burburka.<\/p>\n<p>Ciyaartani ma aheyn oo kaliya ciyaar, waxay ahayd farriin xooggan oo muujinaysa in Soomaaliya ay ka baxday mugdiga, una socoto iftiin, waxaana la arkay Caruur faraxsan, Waalidiin iyo dhallinyaro isugu yimid inay taageeraan ciyaaraha, iyadoo aysan jirin rasaas ama cabsi,\u00a0 taasina waa horumar.<\/p>\n<p>Dib u soo noolaanshaha Mogadishu Stadium waa qeyb ka mid ah isbeddelka guud ee ka socda dalka, waxaana dib u shaqo bilaabay xarumo dowladeed, iskuullo iyo jaamacado ayaa si xowli ah u fidaya, waddooyin ayaa la dhisay, ganacsi ayaa kobcaya, dalxiis ayaa soo ifbaxaya, iyo diblomaasiyad firfircoon ayaa horseed u ah magac wanaagsan oo Soomaaliya ku yeelato dunida inteeda kale.<\/p>\n<p>Isboortigu wuxuu kaalin weyn ka ciyaaraa nabadda, wuxuuna mideeyaa bulshada, wuxuu dhiirrigeliyaa wadajirka, wuxuuna daaweyn u yahay dhaawacyadii Maskaxda iyo qalbiga ee ay colaadaha sababeen. In ciyaartoy heer caalami ah ay yimaadaan Muqdisho waxay soo jiidatay indhaha caalamka, waxayna kor u qaaday niyadda bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Mahad Alle ayey u sugnaatay, \u00a0Isbeddelkan ma suurtagaleen la\u2019aanta is-garab taagga Alle, sabirka shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hal-abuurka leh ee ay muujinayaan dhallinyarada, dowladdu iyo dadka qurbo-joogta ah, waxaana mudan in la xasuusto in horumarka aan maanta aragno uu yahay natiijada sannado badan oo dadaal, dulqaad iyo hiigsasho wacan ah.<\/p>\n<p>Sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, \u201cCaasimada dalka maanta waxay gudbisey sawir qurux badan Xukuumadda Dan qaran iyo Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, waana uga mahad celineynaa inay dunida u muujiyeen in dalkeennu maanta uu\u00a0 si cad u muujiyey inuu\u00a0 Marti gelin karo ciyaaro caalami ah\u201d.<\/p>\n<p>Mogadishu Stadium maanta ma aha oo kaliya garoon, ee waa \u2018Astaan Qaran\u2019, calaamad rajo, iyo tusaale cad oo muujinaya soo kabashada Soomaaliya .<\/p>\n<p>\u201cQaar ka mid ah Ciyaartooyda heerka caalami ee Afrika ayaa dib ugu soo laabtay garoonka, iyagoo ciyaar taariikhi ah ku soo bandhigay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya\u201d, sidaasi waxaa qoray TRT Africa qeybteeda African\u2019s Post.<\/p>\n<p>\u201cKumanaan taageereyaal ah ayaa maanta oo Talaado ah isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, si ay u daawadaan ciyaartaas, waxaana ka dhex muuqday xiddigo hore oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Jay-Jay Okocha, Emmanuel Adebayor, Samuel Eto\u2019o, iyo Vincent Onyeama iyo qaar kale, kuwaasoo la ciyaarayay koox ka mid ah xiddigihii hore ee Soomaaliya\u201d.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-538020\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/legand1-300x300.jpg\" alt=\"\" width=\"479\" height=\"479\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/legand1-300x300.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/legand1-1024x1024.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/legand1-150x150.jpg 150w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/legand1-768x768.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/legand1-860x860.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/legand1.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 479px) 100vw, 479px\" \/><\/p>\n<p>Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya lagu qabto ciyaar heer sare ah tan iyo markii ay ka dilaaceen dagaaladii Sokeeye in ka badan 30 sano ka hor, waxaa loogu magacdaray Dalxiiska Nabadda iyo Halyeyga ah, waxaana ujeeddadiisu tahay in lagu muujiyo hamiga Soomaaliya ee ah in ay dib ugu soo laabato Masraxa kubadda Cagta caalamka, ayna muujinayso nabadda iyo xasilloonida dalka.<\/p>\n<p>\u201cWafuud ka kala socota FIFA iyo xiriirka kubadda cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa sidoo kale la filayaa inay dhawaan dalka yimaadaan\u201d, ayay qoraalkeeda ku sheegtay. \u201cKulamada martigelinta ee ka dhacaya garoonka Muqdisho waxay sare u qaadayaan muuqaalkeenna kubbadda cagta,\u201d ayuu yiri Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed, isaga oo xusay in joogitaanka Xiddigaha Caalamiga ah iyo Madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabaan Soomaaliya ee dhanka Isboortiga.<\/p>\n<p><strong>By. C\/lahi Ruush<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taariikhda dhabta ah ee magaalada Muqdisho, waxaan si qurux badan uga marag furi karnaa Mogadishu Stadium, inuu yahay garoon weyn oo astaan u ahaa Isboortiga Soomaaliyeed, balse mar noqday mid ka mid ah meelaha ay colaadda iyo burburku ugu daran Saameeyeen. Muuqaalka maanta laga arkayo Mogadishu Stadium waa mid gebi ahaanba ka duwan kii, toban [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":538017,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-538016","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538016","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=538016"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538016\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":538026,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/538016\/revisions\/538026"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/538017"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=538016"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=538016"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=538016"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}