{"id":537706,"date":"2025-05-23T20:54:00","date_gmt":"2025-05-23T17:54:00","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=537706"},"modified":"2025-05-23T20:54:00","modified_gmt":"2025-05-23T17:54:00","slug":"wafdi-uu-hoggaaminayo-wasiir-ku-xigeenka-warfaafinta-oo-ankara-kula-kulmay-wasiir-ku-xigeenka-arrimaha-dibada-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wafdi-uu-hoggaaminayo-wasiir-ku-xigeenka-warfaafinta-oo-ankara-kula-kulmay-wasiir-ku-xigeenka-arrimaha-dibada-turkiga\/","title":{"rendered":"Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo Ankara kula kulmay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Turkiga\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Ankara(SONNA):-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar ( Cadaala) iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra&#8217;isulwasaaraha Mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim, Afhayeenka Xukuumadda ahna Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra&#8217;isulwasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale, Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Maxamed Aadam Dugoow, Agaasimaha Istiraatiijiyada Warbaahinta Wasaaradda Warfaafinta Cabdishakuur Cali Axmed, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifitaax Daahir Jeyte iyo Lataliyayaal sare oo ka socda Xafiiska Madaxweynaha oo booqasho khibrad wadaag shaqo ku joogo dalka Turkiga ayaa xafiiskiisa ku booqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mudane Prof. Burhanettin Duran oo ay wehliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo Mas\u2019uuliyiin ka socotay Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka ee Madaxtooyada Turkiga.<\/p>\n<p>Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed, waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, waxaa lagu adkeeyay isku xirka labada shacab iyo ladagaalanka dacaayadaha iyo been abuurka ka dhanka ah xiriirka walaaltinimada ku dhisan ee labada dal.<\/p>\n<p>Mudane Cabdiraxmaan Cadaala Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu mahad celiyay martigalinta dowladda Turkiga ee Wafdiga iyo abuuridda jawi khibrad wadaag heersare ah oo kor u qaadaya xiriirka labada dowladood ee dhinaca Warfaafinta.<\/p>\n<p>\u201c Waxaan ku faraxsanahay in halkaan naloogu soo dhaweeyay si fiican, aan yeelanay kulamo mirodhal ah iyo aqoon isweydaarsi, waxaan booqanay xarumaha Warbaahinta dalkan Turkiga oo ka mid ah kuwa ugu xooggan caalamka iyo Warshadda tiknoolajiyadda ee soosaarta agabka Difaaca ee Havelsan, waxaan u mahad celinaynaa si guud dowladda Turkiga, si gaar ah Agaasinka Warbaaahinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Hay\u2019adaha kale ee aanu kulanay\u201d ayuu yirri Wasiir Caddaala<\/p>\n<p>Wasiir Ku xigeenka ayaa intaa ku daray in Iskaashiga Warbaahinta labada dal ay xilligani tahay muhiim, Soomaaliyana ay ka faa\u2019iidayso khibradda Turkigu u leeyahay Casriyaynta Warbaahinta, dhismaha aragtida dadweynaha, ka hortaga been abuurka iyo marin habaabinta<\/p>\n<p>Prof. Burhanettin Duran, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Turkiye ayaa uga mahad celiyay wafdiga Wasiir ku xigeenka Warfaafinta imaashaha dalka Turkiga iyo kulamadii khibrad wadaag ahaa ee la yeesheen Hay\u2019adaha Warbaahinta Turkiga.<\/p>\n<p>\u201c Labada dal waxa ay leeyihiin calaaqaad qoto dheer oo ku dhisan iskaashi walaalnimo, iyo saaxiibtinimo, Arrinta xiriirka Warbaahinta waa jiha cusub oo aan doonayno in aanu iska kaashano maadaama ay jiraan xaalado wadajir ah oo ay wajahaan labada dal, sida qatarta marin habaabinta, been abuurka, casriyaynta Warbaahinta iyo Baraha Bulshada, waxaan doonaynaa in aan ku sii xoojinno xiriirkeena soojireenka ah\u2019 ayuu yirri Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda.<\/p>\n<p>Wasiir Cadaala iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday xarunta Agaasinka Maxaxtooyada Turkiga ee Xiriirka iyo Warbaahinta, wakaalada Wararka Turkiga ee Andulu, Xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Turkiga ee TRT iyo Xarunta shirkadda Havalson ee samaysa qalabka dagaalka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-537708\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0066.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-537709\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0070.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-537710\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0069.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-537711\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0063.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-537712\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/05\/IMG-20250523-WA0064.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ankara(SONNA):-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar ( Cadaala) iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra&#8217;isulwasaaraha Mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim, Afhayeenka Xukuumadda ahna Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra&#8217;isulwasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale, Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Maxamed Aadam Dugoow, Agaasimaha Istiraatiijiyada Warbaahinta Wasaaradda Warfaafinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":537707,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-537706","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537706","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=537706"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537706\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":537713,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537706\/revisions\/537713"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/537707"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=537706"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=537706"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=537706"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}