{"id":537145,"date":"2025-05-16T00:09:33","date_gmt":"2025-05-15T21:09:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=537145"},"modified":"2025-05-16T00:09:33","modified_gmt":"2025-05-15T21:09:33","slug":"wasiirka-arrimaha-dibadda-soomaaliya-oo-kulan-doceed-kula-yeeshay-bagdaad-dhiggiisa-masar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-arrimaha-dibadda-soomaaliya-oo-kulan-doceed-kula-yeeshay-bagdaad-dhiggiisa-masar\/","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Masar"},"content":{"rendered":"<p>Baghdad(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad intii uu socday Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty.<\/p>\n<p>Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa Wasiir Cabdisalaan waxa uu carabaabay tixgelintiisa taageerada Masar ee nabadda iyo degannaanshaha Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay ka qeyb-noqoshadeeda Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), caddeeyayna inuu ku dadaali doono kor-u-qaadidda iskaashiga Soomaaliya kala dhexeeya Masar iyo ka faaideysiga khibradaha dhinac weliba.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Wasiir Badr Abdelatty ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliya xilka dhowaantan loo magacaabay, isaga oo caddeeyay sida ay uga go&#8217;antahay Masar sare-u-qaadidda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo tilmaamay in xiriirka labo geesoodka la gaarsiiyay heerkii ugu sarreeyay oo ah wax-wadaag istiraatiijiyadeed kadib booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira bishii January, 2025.<\/p>\n<p>Wasiir Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay taageerada sugan ee Masar ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya , isaga oo xaqiijiyay in Masar ay ka go&#8217;antahay taageeridda awood-dhisidda iyo tababbaridda Soomaalida si howlgudashada hay&#8217;adaha dowladda ay u noqdaan kuwa wax-gal ah.<\/p>\n<p>Labada Wasiir ayaa waxa ay isku af-garteen inay sii wadaan wada-shaqaynta dhow si loo qotodheereeyo iskaashiga jira, lana xoojiyo xasiloonida gobolka iyadoo loo marayo dadaallo wadajir ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&#8211;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baghdad(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad intii uu socday Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty. Intii lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":537146,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-537145","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537145","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=537145"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537145\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":537147,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537145\/revisions\/537147"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/537146"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=537145"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=537145"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=537145"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}