{"id":537141,"date":"2025-05-15T19:44:29","date_gmt":"2025-05-15T16:44:29","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=537141"},"modified":"2025-05-15T19:45:12","modified_gmt":"2025-05-15T16:45:12","slug":"nairobi-oo-lagu-soo-gaba-gabeeyay-shir-muhiim-ah-oo-u-dhexeeyay-heyadaha-maaliyadda-soomaaliya-iyo-heyadda-lacagta-adduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/nairobi-oo-lagu-soo-gaba-gabeeyay-shir-muhiim-ah-oo-u-dhexeeyay-heyadaha-maaliyadda-soomaaliya-iyo-heyadda-lacagta-adduunka\/","title":{"rendered":"Nairobi oo lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhexeeyay Hey\u2019adaha Maaliyadda Soomaaliya iyo Hey\u2019adda Lacagta Adduunka"},"content":{"rendered":"<p>\ud835\udc75\ud835\udc82\ud835\udc8a\ud835\udc93\ud835\udc90\ud835\udc83\ud835\udc8a(SONNA(:-Waxaa maanta Magaalada Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Hey\u2019adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey\u2019adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda mudan in la maalgaliyo ee wax soo saarka uu ka mid yahay.<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka soo qeyb galay oo ka kooban Xafiisyada Madaxeynaha, Ra\u2019iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, Hey\u2019adda Warbixinada Maaliyadda, Hay\u2019adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo xiritaanka shirka ka hadlayay ayaa xusay sida ay Dowladda Soomaaliya ahmiyad gaar ah u siinayso in la helo maalgalin ku saabsan ka faa\u2019iideysiga kheyraadka Dalka, sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay qorshaha Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurtinta si sare loogu qaado dakhliga gudaha.<\/p>\n<p>Shirkaan oo 3 Biloodle ah ayaa inta badan waxaa dib-u-eegis lagu sameeyaa horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay Dowladda tan iyo markii lagu dhawaaqay hannaankii deyn cafinta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\ud835\udc75\ud835\udc82\ud835\udc8a\ud835\udc93\ud835\udc90\ud835\udc83\ud835\udc8a(SONNA(:-Waxaa maanta Magaalada Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Hey\u2019adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey\u2019adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda mudan in la maalgaliyo ee wax soo saarka uu ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":537142,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-537141","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537141","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=537141"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537141\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":537144,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537141\/revisions\/537144"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/537142"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=537141"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=537141"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=537141"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}