{"id":537027,"date":"2025-05-14T11:54:54","date_gmt":"2025-05-14T08:54:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=537027"},"modified":"2025-05-14T11:54:54","modified_gmt":"2025-05-14T08:54:54","slug":"madaxweynaha-mareykanka-oo-riyaadh-kula-kulmay-dhiggiisa-dalka-suuriya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-mareykanka-oo-riyaadh-kula-kulmay-dhiggiisa-dalka-suuriya\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Mareykanka oo Riyaadh kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Riyaadh(SONNA):- Madaxweynaha\u00a0Dalka Mareykanka Mudane Donald Trump ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya, Axmed Sharac, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.<\/p>\n<p>Kulanka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, halka uu Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdo\u011fan uu habka foggaan-arag ah kulanka uga qeybgalay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald J. Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in Suuriya uu ka qaaday cunaqabateyntii la saaray xiligii Madaxweynahii hore ee dalkaasi Bishaar Al-asad, taas oo culeys badan ku haysay dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac.<\/p>\n<p>Ka qaadista cunaqabateyntan ayaa albaabo badan oo maalgashi ah u fureyso dowladda cusub ee dalka Suuriya, iyadoo dowladda Qatar horay u sheegtay inay bixineyso miisaaniyadda Dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac taas oo muhiim u ah horumarka dowladnimada dalkaasi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Riyaadh(SONNA):- Madaxweynaha\u00a0Dalka Mareykanka Mudane Donald Trump ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya, Axmed Sharac, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. Kulanka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, halka uu Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdo\u011fan uu habka foggaan-arag ah kulanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":43,"featured_media":537028,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-537027","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537027","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/43"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=537027"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537027\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":537029,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/537027\/revisions\/537029"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/537028"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=537027"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=537027"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=537027"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}