{"id":536694,"date":"2025-05-10T13:44:03","date_gmt":"2025-05-10T10:44:03","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=536694"},"modified":"2025-05-10T13:45:33","modified_gmt":"2025-05-10T10:45:33","slug":"danjire-hodan-oo-lagu-martiqaaday-xarunta-shirkadda-alibaba","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/danjire-hodan-oo-lagu-martiqaaday-xarunta-shirkadda-alibaba\/","title":{"rendered":"Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba"},"content":{"rendered":"<p>Hangzhou(SONNA):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo ay wehlinayeen u qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya, Mudane Guuleed Warsame, ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday xarunta dhexe ee shirkadda caalamiga ah ee Alibaba Group ee magaalada Hangzhou.<\/p>\n<p>Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ahayd dadaallada safaaradda ee lagu horumarinayo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray kobcinta ganacsiga, adeegyada tiknoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Intii lagu jiray kulanka, Danjire Hodan waxay maamulka Alibaba la wadaagtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan) \u2013 oo ah aragti qaran oo cusub oo ku dhisan horumarka bulshada, dhaqaalaha, iyo adeegyada dadweynaha. Waxay hoosta ka xariiqday sida qorshahan loogu talagalay in uu xoojiyo isbeddel dijitaal ah, dhiirrigeliyo maalgashiga, iyo kor u qaadista kaabeyaasha ganacsiga iyo adeegyada casriga ah ee dalka.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay saddex meelood oo muhiim ah:<\/p>\n<p>1. FinTech \u2013 sidii looga faa\u2019iideysan lahaa teknoolojiyadda si loo fududeeyo loona sugo hababka lacag-dirista ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha;<\/p>\n<p>2. Logistics \u2013 doorka Soomaaliya ee istiraatiijiga ah si ay u noqoto xarun muhiim ah oo loogu adeego suuqyada kala duwan ee qaaradda Afrika;<\/p>\n<p>3. Tababarka Dhallinyarada Soomaaliyeed \u2013 sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado lagu barayo xirfadaha Ganacsiga elektarooniga ah e-commerce si ay ugu helaan shaqooyin iyo fursado ganacsi oo casri ah.<\/p>\n<p>Danjiraha ayaa u mahadcelisay maamulka sare ee Alibaba Group martigelintooda sharafta leh, soo dhaweynta diirran, iyo fahamka ay muujiyeen ee ku aaddan isbeddelka dhabta ah ee ka socda Soomaaliya. Waxayna ku dhiiri galisay Maamulka sare ee Ali-baaba in ay adeegyadaas horumarsan ee ganacsi gaarsiyaan Soomaaliya, si loo xoojiyo Wax isdhaafsiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hangzhou(SONNA):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo ay wehlinayeen u qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya, Mudane Guuleed Warsame, ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday xarunta dhexe ee shirkadda caalamiga ah ee Alibaba Group ee magaalada Hangzhou. Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ahayd dadaallada safaaradda ee lagu horumarinayo iskaashi istiraatiiji ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":536695,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-536694","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/536694","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=536694"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/536694\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":536698,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/536694\/revisions\/536698"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/536695"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=536694"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=536694"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=536694"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}