{"id":536650,"date":"2025-05-09T13:52:04","date_gmt":"2025-05-09T10:52:04","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=536650"},"modified":"2025-05-09T13:52:04","modified_gmt":"2025-05-09T10:52:04","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-85","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-85\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda\u00a0 Federaalka\u00a0 Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo socday muddo laba maalmood ah.<\/p>\n<p>2.War Murtiyeed ka ka kooban 10 qodob oo laga soo saaray Shirka Golaha Wadatshiga Qaranka, kuwaas oo diiradda saaray u midoobidda dagaalka argagixisada, dardar gelinta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, aqoonsiga SSC Khaatumo, iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka soo talo bixiso sida laga yeelayo xaaladda sharci ee Dowlad Goboleedka Jubbaland<\/p>\n<p>3.Madaxweyne\u00a0 Xasan Sheekh Maxamuud ayaa\u00a0 kulan la yeeshay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay\u00a0 dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda hawlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.<\/p>\n<p>4.Madaxweyne\u00a0 Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Allah ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>5.Ra\u2019iisul Wasaare\u00a0 Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, isagoo sheegay in xukuumadda ay ka go\u2019an tahay dhiirigelinta wax soo-saarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku-filnaansho cunto.<\/p>\n<p>6.Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax\u00a0 oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.<\/p>\n<p>7.Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hay\u2019adda Aqoonsiga\u00a0 ee NIRA.<\/p>\n<p>8.Guddoomiyaha Golaha Shacabka\u00a0 Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo\u00a0 Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta.<\/p>\n<p>9.Guddoomiyaha Golaha Shacabka\u00a0\u00a0 Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan magaalada Algiers kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.<\/p>\n<p>10.Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali oo la kulmay\u00a0\u00a0 Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya\u00a0\u00a0 Soomaaliya, Mudane Alper Akta\u015f iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiye ka dhaxeeya.<\/p>\n<p>11.Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ka wada diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka caasimadda, iyaga oo isku diyaarinaya u gudbidda ka bilaabidda diiwaan galinta degmooyinka gobollada dalka oo ay ugu horeeyaan xarumaha dowlad goboleedyada.<\/p>\n<p>12.Wasiirka Gaashaandhigga\u00a0 Axmed Macallin Fiqi\u00a0\u00a0 ayaa\u00a0 la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Britain Arrimaha Afrika.<\/p>\n<p>13.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay\u00a0 Wasiirka Shaqada ee Qadar Cali bin Samikh Al-Marri , iyagoo ka wadahadley xoojinta wadashaqeynta ee\u00a0 labada dal\u00a0\u00a0 ee ku aaddan arrimaha shaqada, horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta tababarada iyo kor u qaadista fursadaha shaqada.<\/p>\n<p>14.Wasiirka\u00a0 Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska\u00a0 Daa\u2019uud Aweys Jaamac oo\u00a0 Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda ugu hambalyeeyey\u00a0 dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ayaa bogaadiyeey kaalinta ay warbaahinta iyo suxufiyiinta ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada ee ka hortagga fikradaha xaqjirnimo iyo nabad-dhiska.<\/p>\n<p>15.Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xasan Aadan\u00a0 ayaa la kulmay Wakiilka Hay\u2019adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.,iyagoo ka wada hadlay sidii taageero buuxda looga heli lahaa kalluumeysatada.<\/p>\n<p>16.Wasiirka Arrimaha Dibadda\u00a0 Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka\u00a0 telefonka kula hadley Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Danjire Hussein Al-Amin, isagoo adkeeyay mowfiqka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya\u00a0 ee taageeridda,nabadda iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan.<\/p>\n<p>17.Wasiirka Gaashaandhigga\u00a0 Axmed Macallin Fiqi ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey jab xooggan\u00a0 oo 30 ka tirsan maliishiyada argagixisada khawaarijta\u00a0 lagu dilay\u00a0 deegaanada Muqluga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.<\/p>\n<p>18.Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhagax dhigay dib u dhiska waddo\u00a0 laami\u00a0 ah ee isku xiri doonta\u00a0 Degmada Guriceel iyo\u00a0 Dhuusamareeb, taasi oo lagu dhisayo iskaashiga maamulka iyo shacabka Galmudug.<\/p>\n<p>19.Wasiirka Batroolka iyo Macdanta\u00a0 Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee\u00a0 Istanbul\u00a0\u00a0\u00a0 ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto shidaalka ku jira dhulkeeda.<\/p>\n<p>20.Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan iyo\u00a0 Ku-Xigeenka Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Amb Maxamed Al-Mudeyri \u00a0ayaa Muqdisho ka sagootiyay gabdho mataano ah oo isaga dhaqan xubinta kaadi heysta\u00a0 oo\u00a0 qaliin caafimaad ah looga sameynaaya Sacuudi Caraabiya .<\/p>\n<p>21.Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirizaaq Maxamed oo dalka Sir Lanka ugu qeyb-galay shir looga hadlaayey horumarinta beeraha , arrimaha degaanka iyo isbeddelka cimilada ayaa kulan doceed la yeeshay Ra\u2019iisul Wasaaraha dalkaas Marwo Harini Nireka Amarasuriya.<\/p>\n<p>22.Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada\u00a0 ayaa soo agaasintay kulan hordhac ah oo lagu diyaarinayay ka qaybgalka Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee 30aad (COP30), kaas oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Belem ee dalka Brazil.<\/p>\n<p>23.Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Indonesia Dr. Faysal Axmed Salaad, ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ku wareejiyey Madaxweynaha dalkaas Md Prabowo,<\/p>\n<p>24.Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU)\u00a0 ah la saxiixatay Hay\u2019adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay\u2019adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).<\/p>\n<p>25.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan\u00a0 ayaa magaalada Riyadh\u00a0 kulan kula yeeshay Wasiir ku-Xigeenka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.<\/p>\n<p>26.Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed\u00a0 Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif)\u00a0 ayaa ka qeyb galay shirka booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO, oo\u00a0 lagu qabtey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiyaa.<\/p>\n<p>27.Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada\u00a0 Yuusuf Maxamed Aadan\u00a0 ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada oo ka dhacay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.<\/p>\n<p>28.Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Turkiga\u00a0 u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Akta\u015f iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal iyo horumarinta warshadaha iyo\u00a0 dhiirrigelinta maalgelinta gaar ahaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>29.Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada\u00a0 Drs. Maryama Mohamed Hussein\u00a0\u00a0 ayaa si rasmi ah u soo xirtay\u00a0\u00a0 wajiga 3aad ee ololaha qaliimada carruurta ku dhasha wadna daloolka, kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Somali Sudanese, Hormuud Salam Foundation, Hay\u2019adda Cuntada iyo\u00a0 Isbitaalka Wadnaha ee Mogadishu Heart Center.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo socday muddo laba maalmood ah. 2.War Murtiyeed ka ka kooban 10 qodob oo laga soo saaray Shirka Golaha Wadatshiga Qaranka, kuwaas oo diiradda saaray u midoobidda dagaalka argagixisada, dardar gelinta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, aqoonsiga SSC Khaatumo, iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":536651,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-536650","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/536650","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=536650"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/536650\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":536652,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/536650\/revisions\/536652"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/536651"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=536650"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=536650"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=536650"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}