{"id":534785,"date":"2025-04-15T09:02:54","date_gmt":"2025-04-15T06:02:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=534785"},"modified":"2025-04-15T10:31:18","modified_gmt":"2025-04-15T07:31:18","slug":"muqdisho-oo-maanta-ay-ka-billaabaneyso-diiwaangalinta-codbixiyeyaasha-golaha-deegaanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/muqdisho-oo-maanta-ay-ka-billaabaneyso-diiwaangalinta-codbixiyeyaasha-golaha-deegaanka\/","title":{"rendered":"Muqdisho oo maanta ay ka billaabaneyso diiwaangalinta codbixiyeyaasha golaha deegaanka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani waxa maanta ka billaaban doono diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo June.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyey in maanta loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaar ahaan degmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka howl-galka doorashooyinka Mudane Maxamed Aamiin Xasan Cabdullahi oo isna shalay ka hadlay munaasabadda ololaha Qaran ee diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha ayaa sheegay in dagmada Shangaani loo xushay in ay ka billaabato diiwaan-galinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir, isagoo reer Shangaani ugu baaqay in ay soo baxaan oo ay is diiwaan-galiyaan.<\/p>\n<p><b>Guddoomiye<\/b> ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir <b>Maxamed Axmed<\/b>\u00a0Diiriye (<b>Yabooh<\/b>) ayaa sheegay in ay tallaabadani meesha ka saarayso sheekadii ayad dalka doorasho kama dhici karto.<\/p>\n<p>Guddoomiye Yabooh &#8220;Diiwaan gelintan maanta billaabatay waxay meesha ka saaraysaa dalka doorasho kama dhici karto.\u201d<\/p>\n<p>Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-534805 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin1-1.png\" alt=\"\" width=\"630\" height=\"413\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin1-1.png 630w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin1-1-300x197.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 630px) 100vw, 630px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-534806 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin2.png\" alt=\"\" width=\"602\" height=\"431\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin2.png 602w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin2-300x215.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 602px) 100vw, 602px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-534807 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin3.png\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"404\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin3.png 618w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin3-300x196.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-534808 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin4.png\" alt=\"\" width=\"580\" height=\"392\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin4.png 580w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin4-300x203.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 580px) 100vw, 580px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-534809 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin6.png\" alt=\"\" width=\"597\" height=\"386\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin6.png 597w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/shin6-300x194.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 597px) 100vw, 597px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani waxa maanta ka billaaban doono diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo June. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho ayaa dhankiisa carabka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":534804,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-534785","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534785","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=534785"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534785\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":534811,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534785\/revisions\/534811"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/534804"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=534785"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=534785"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=534785"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}