{"id":534617,"date":"2025-04-13T13:58:36","date_gmt":"2025-04-13T10:58:36","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=534617"},"modified":"2025-04-13T13:58:36","modified_gmt":"2025-04-13T10:58:36","slug":"wasiirka-wasaaradda-waxbarashada-oo-si-rasmi-ah-xarigga-uga-jaray-xafiiska-shahaadooyinka-ee-magaalada-laascaanood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-wasaaradda-waxbarashada-oo-si-rasmi-ah-xarigga-uga-jaray-xafiiska-shahaadooyinka-ee-magaalada-laascaanood\/","title":{"rendered":"Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo\u00a0si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood"},"content":{"rendered":"<p>Laascaanood(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood, gobolka Sool ee Maamulka Khaatumo (SSC).<\/p>\n<p>Xafiiskan cusub ayaa noqon doona mid si weyn uga jawaaba baahida ardayda dhammaysatay heerarka kala duwan ee waxbarasho, isaga oo fududeyn doona helidda shahaadooyinka rasmiga ah ee ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddada laga leeyahay furitaanka xafiiskan ayaa ah in la helo adeeg wax-ku-ool ah oo ardayda u dhow, loogana hortago dibudhac ku yimaadda bixinta shahaadooyinka, taas oo horay ugu xirneyd xarumo ku yaalla magaalooyin kale oo ka fog halka ay ku noolyihiin.<\/p>\n<p>Munaasabadda xarigjarka ayaa waxaa ka qeybgalay mas\u2019uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Gobolka Sool, bahda waxbarashada ee SSC Khaatumo, waalidiin iyo arday. Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku bogaadinayo dadaalka shacabka deegaanka iyo sida ay ugu heellan yihiin horumarinta waxbarashada, isaga oo xusay in Wasaaraddu ka go\u2019an tahay in la gaarsiiyo adeegyada waxbarasho dhammaan gobollada dalka.<\/p>\n<p>\u201cMaanta waxa aan markhaati ka nahay tallaabo kale oo muhiim u ah xoojinta nidaamka waxbarashada dalka. Xafiiskan waxa muujinayaa sida ay Wasaaradda uga go\u2019an tahay in adeegyada waxbarasho la gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan,\u201d ayuu yiri Wasiirku.<\/p>\n<p>Wasaaradda Waxbarashada ayaa sii wadi doonta dadaallada lagu xaqiijinayo usinnaanta helitaanka adeegyada waxbarasho, iyada oo kaashaneysa maamulka deegaanka, bulshada rayidka ah, iyo daneeyeyaasha kale ee waxbarashada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Laascaanood(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood, gobolka Sool ee Maamulka Khaatumo (SSC). Xafiiskan cusub ayaa noqon doona mid si weyn uga jawaaba baahida ardayda dhammaysatay heerarka kala duwan ee waxbarasho, isaga oo fududeyn doona [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":534618,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-534617","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534617","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=534617"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534617\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":534619,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534617\/revisions\/534619"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/534618"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=534617"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=534617"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=534617"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}