{"id":534604,"date":"2025-04-13T12:34:51","date_gmt":"2025-04-13T09:34:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=534604"},"modified":"2025-04-13T12:37:52","modified_gmt":"2025-04-13T09:37:52","slug":"hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-starlink-guddoonsiiyay-rukhsadda-adeegga-internetka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-starlink-guddoonsiiyay-rukhsadda-adeegga-internetka\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Starlink guddoonsiisay rukhsadda adeegga internetka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta guddoonsiisay Shirkadda Starlink rukhsadda isgaarsiineed oo ay kaga howlgeleyso dalka.<\/p>\n<p>Munaasabadda guddoonsiinta oo ka dhacday caasimadda waxaa ka soo qeybgalay mas\u2019uuliyiin ka socda Dowladda iyo Shirkadda Starlink.<br \/>\nMaareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin SHEIK oo xafladda guddoonsiinta ka hadlayay ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink ee Soomaaliya ay wax weyn ka tari doonto dadaallada lagu doonayo in adeegyada internetka lagu gaarsiiyo dalka oo dhan.<\/p>\n<p>\u201cWaxa aan rajeyneynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ganacsiyada, hay\u2019adaha dowladeed ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,\u201d ayuu yiri Maareeyuhu.<\/p>\n<p>Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Maxamed Aadan Macallin, oo munaasbaadda goobjoog ka ahaa, ayaa sheegay in dowladdu ku faraxsan tahay in Starlink soo gaarto dalkeena.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo,\u201d ayuu yiri wasiirka.<\/p>\n<p>Adeegga internetka ee Starlink ayaa la filayaa in uu kaabi doono adeegyada Isgaarsiinta ee dalka jira, isaga oo wax weyn ka tari doono in adeegga internetku wada gaaro dalka oo dhan, isagoo sahlaya in adeegyada looga faa\u2019iideysto internetka uu wada gaaro dadweynaha oo dhan.<\/p>\n<p>Dalkeena waxaa hore u soo gaaray dhowr xarig internet oo ka soo dagay qaar ka mid ah xeebaha dalka, iyadoo Starlink-na ay ku soo kordhineyso adeeg cusub oo dhinaca dayaxgacmeedka ah oo gaari kara meel kasta oo dalka ka mid ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-534605\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-1536x1023.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0018.jpg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-534606\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/IMG-20250413-WA0017.jpg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA);-Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta guddoonsiisay Shirkadda Starlink rukhsadda isgaarsiineed oo ay kaga howlgeleyso dalka. Munaasabadda guddoonsiinta oo ka dhacday caasimadda waxaa ka soo qeybgalay mas\u2019uuliyiin ka socda Dowladda iyo Shirkadda Starlink. Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin SHEIK oo xafladda guddoonsiinta ka hadlayay ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink ee Soomaaliya ay wax [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":534606,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-534604","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534604","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=534604"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534604\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":534609,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534604\/revisions\/534609"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/534606"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=534604"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=534604"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=534604"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}