{"id":534484,"date":"2025-04-12T08:27:28","date_gmt":"2025-04-12T05:27:28","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=534484"},"modified":"2025-04-12T08:27:28","modified_gmt":"2025-04-12T05:27:28","slug":"wasiirka-gaashaandhigga-oo-hambalyo-u-diray-ciidanka-xoogga-dalka-soomaaliyeed-munaasabadda-65-guurada-aasaaskooda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-gaashaandhigga-oo-hambalyo-u-diray-ciidanka-xoogga-dalka-soomaaliyeed-munaasabadda-65-guurada-aasaaskooda\/","title":{"rendered":"Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, laga soo bilaabo markii la aas-aasay 12-kii Abriil, sanadkii 1960-kii, ilaa maanta oo ay si geesinimo leh ugu adeegayaan dadkooda.<\/p>\n<p>&#8220;Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah&#8221;.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga XFD ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dadaallada ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka iyo dalka.&#8221;Waa waajib qaran in la garab istaago geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, oo maanta naf-hurnimo ugu jira hawlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Khawaarijta,&#8221; ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":534485,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-534484","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534484","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=534484"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534484\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":534486,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534484\/revisions\/534486"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/534485"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=534484"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=534484"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=534484"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}