{"id":534254,"date":"2025-04-08T15:11:38","date_gmt":"2025-04-08T12:11:38","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=534254"},"modified":"2025-04-08T15:28:19","modified_gmt":"2025-04-08T12:28:19","slug":"wasiirka-warfaafinta-oo-shir-guddoomiyay-kulanka-hayadda-tubsan-ee-la-dagaalanka-arrimaha-xag-jirka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-oo-shir-guddoomiyay-kulanka-hayadda-tubsan-ee-la-dagaalanka-arrimaha-xag-jirka\/","title":{"rendered":"Wasiirka Warfaafinta oo shir guddoomiyay kulanka hay\u2019adda TUBSAN ee la dagaallanka arrimaha xag-jirka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee hay\u2019adaha DFS, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya, Hay\u2019adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha la dagaalanka fikradaha xag jirka ah iyo ka hortagga falalka argagixisonimada ee nabadda ka dhanka ah (Preventing &amp; Countering Violent Extremism).<\/p>\n<p>Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay\u2019adda Qaran ee Tubsan ee La Dagaalanka Fikradaha Xag-Jirka ah ayaa waxaa looga dooday halka ay marayaan hawlaha la dagaalanka fikradaha xagjirka iyo argagixisonimada iyo sidii hay\u2019adaha ku mideysan hawshan ay iskaga kaashan lahaayeen dardar-gelinta barnaamijkan oo muhiim u ah in Soomaaliya ay dib u hesho xasilooni buuxda, qeybna ay ka qaadato nabadda gobolka iyo tan caalamka.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa\u2019uud Aweys oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa xusay in hawlaha la xiriira fikradaha xajirnimada ee rabshadaha wata aan laga mira dhalin karin haddii aanay jirin iskaashi buuxa oo dhex mara hay\u2019adaha dowliga ah, bulshada iyo qeybaha kale ee muhiimka u ah najaxinta qorshahan qaran.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiir Daa&#8217;uud ayaa xusay muhiimadda isku duwidda shaqooyinka barnaamijkan oo noqon kara waddada keliya ee lagu xaqiijin karo in jawaab celin waafi ah oo dhameystiran, iskuna dhafan laga bixiyo caqabadaha xagjirnimada rabshadaha wata.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka uga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen Khawaarijta, kuwaas oo guulo la taaban karo laga soo hoyay, isla markaana ku ammaaney shacabka sida ay ugu baraarugsan yihiin damaca guracan ee Khawaarijta oo mar walba lid ku ah nolosha iyo bedqabka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Dacc\u00f2 Coppi iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Hay\u2019adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) Dr. Christopher Laker iyo mas\u2019uuliyiin kale ayaa iyaguna kulankan hadal ka jeediyay, iyagoo ku amaaney Hay\u2019adda Tubsan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go\u2019an tahay baabi\u2019inta fikradaha xagjirnimada iyo inay Soomaaliya u horseedaan nabad, barwaaqo, horumar bulsho iyo mid dhaqaale intaba.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee hay\u2019adaha DFS, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya, Hay\u2019adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha la dagaalanka fikradaha xag jirka ah iyo ka hortagga falalka argagixisonimada ee nabadda ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":534259,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-534254","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534254","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=534254"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534254\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":534257,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/534254\/revisions\/534257"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/534259"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=534254"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=534254"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=534254"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}